|

Qaraxii Ugu Horreeyay Ee Sannadka Cusub 2016 Oo Maanta Magaalada Muqdisho Ka Dhacay, Isagoona Sababay Dhaawac iyo Dhimasho

Muqdisho,2Jan,2016(QJ/SDN)-Ugu yaraan laba Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Qofkii fuliyay qaraxa ayaa ku dhintay, afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax maanta ka dhacay gudaha Baar Village oo Tiyaatarkii hore ee Muqdisho ku dhow.
qaraxQaraxan ayaan la ogeyn cid lagu bartilmaameedsanayay, iyadoo goobta uu ka dhacay ay ku sugnaayeen koox wariyeyaal ah oo halkaas ku kulma maalin walba, waxaana qaar ka mid ah wariyeyaashan ay sheegeen in ninka qaraxa fuliyay uu meel ku dhow soo fariistay, balse ay markii ay shakiyeen ay ka kala tageen, isaguna uu is-qarxiyay daqiiqado kaddib.
Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan, inkastoo qaraxyada noocan oo kale ah ay sheegato Al-shabaab, mana jirto wariye waxyeello ay ka soo gaadhay Qaraxan.
Wariye ka mid ah kooxdii wariyeyaasha ahaa ee maqaayadda ku sugnaa ayaa u sheegay warbaahinta in ninka is-qarxiyay uu isagoo caadi ah maqaayadda soo galay uuna soo ag-fariistay, balse ay ka kala tageen, kaddibna uu si iskiis ah isu qarxiyay.
“Markii ninku noo yimid ayaan ka kala tagnay, markaan ka kala tagnay ayuuna is-qarxiyay ninka, ma jiro wariye ay waxyeello kasoo gaartay qaraxaas; intii uusan ninku noo imaaana; waxaa noo yimid mid ka mid ah askarta dowladda oo na weydiiyay gaari dibadda yaalla oo laga shakiyay cidda iska leh, laakiinse la waayay qofkii lahaa, markaas ayuuna shakigu na galay,” ayuu yidhi wariyeyahan.
Qofka shacabka ah ee ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa qof waayeel ah, kaasoo la sheegay inuu ahaa oday… waxaana dadkii ku dhaawacmay oo iyaguna shacab ahaa loo qaaday isbitaallada Muqdisho qaar ka mid ah.
Baarka The Village ee uu qaraxu ka dhacay maanta ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo mid ka mid ah ay ku dhinteen saddex wariye oo ka mid ahaa kuwa ka howgala Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho  ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee magaalada Muqdisho ka dhaca sannadkan cusub ee aynu ku jirno.

Comments are closed