|

Maamulka Dugsiyada IFTIN Oo Ka Warbixiyay Maraaxilkii Uu Dugsiga Iftin Soo Maray iyo Halka Uu Hiigsanaayo

Hargeysa,2Jan,2016(QJ/SDN)-Kobaca waxbarashada Somaliland ayaa maalinba maalinka xiga kor usii kacaya, waagii baryaba dalka waxa  laga furaa xarumo waxbarasho kuwaas oo da’yarta Somaliland wax lagu baro.

Inkastoo guud ahaan xarumaha ama goobaha waxbarashada ee dalka ka jiraa aanay ahayn kuwo daboola baahiyaha ardayda, haddana waxa muuqata in dadka reer Somaliland gaar ahaan maamullada dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladduba ay deddaal ugu jiraan sidii ay dadkooda iyo ubadkooda ay wax u bari lahaayeen.

Tirada dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa ah mid maalinkasta ama si joogto ah u korodha, iyadoona taasi ay markhaati u tahay deddaalka ay dadka reer Somaliland  ugu jiraan inay ka xoroobaan jahliga.

Haddaba, dedaaladaas aynu soo sheegnay waxa ka mid ah maamulka iyo dugsiyada IFTIN ee magaalada Hargeysa, iyadoona dugsiga Iftin la aasasay sannadkii 2011kii bishii Ogoosto.

Dugsiga Hoose Dhexe ee IFTIN oo imika ay dhigtaan ku dhawaad 550 arday, iyadoonna ay horay uga qalin jabiyeen Saddex dufcadood kuwaasi oo natiijo wanaagsan kasoo hooyay imitixaanaadkii dusgiyada hoose dhexe ee Somaliland.

Maamulaha Dugsiyada Iftin, MD. CaliNaasir Cabdirisaaq, ayaa sheegay in iskuulka Iftin uu qayb weyn ka qaatay koboca waxbarashada dalka iyo weliba shaqo-abuurka dalka ‘’Dugsiga IFTIN waxa la aasasay sannakii 2011kii bishii ogoosto, wakhtigaas oo tiro yar oo arday ah lagu bilaabay, masha allaah maanta meel fiican ayuu marayaa dugsigu, ardayda dhigataana 550 ayay caga-cagaynaysaa, waxa ka baxay saddex dufcadood oo u fadhiistay imtixaanka jamhuuriyada Somaliland ee fasalka sideedaad, dufcadii Afraadna hadda ayay baxaysaa… Dugsiyada iftin waxa uu ka koobanyahay laba qaybood ama laba Department; labadaas oo kala ah KG-Department (Barbaarinta) iyo qaybta Primariga/ Intermediatka, (qaybta Hoose/ Dhexe)… Sidoo kale dugsiga IFTIN waxa uu baal dahab ah kaga jiraa waxa loo yaqaanno shaqo-aburidda ama Employmentiga, waxa ka shaqo gala dugsiga Iftin macallimiinta, maamul iyo Staff marka la isku wada geeyo illaa 25ruux ayaa usoo shaqo taga oo iskuulka iftin qaabila oo uu u yahay goob shaqo..’’ ayuu yidhi CaliNaasir Cabdirisaaq oo ah Maamulaha dusgiyada hoose/dhexe ee IFTIN.

Dhanka kale, Maamulaha Dugsiyada Iftin CaliNaasir Cabdirisaaq waxa uu ka warbixiyay xidhiidhka ka dhexeeya iskuulka iftin iyo wasaaradda waxbarashada iyo weliba waalidiinta ay ardaydoodu dhigtaan dugsiga iftin, ‘’Xidhiidhkayaga wasaaradda waxbarashadu aad ayuu u wanagsanyahay, sanadkii dhamaaday ee 2015ka waxa aanu ka gaadhnay horumar aad iyo aad u wanaagsan la xidhiidhka iyo ku xidhnaanshaha wasaaradda waxbarashada, waxaanu ka qayb-galnay shirar aanan horay uga qayb-gali jirin oo ay wasaaraddu iclaamisay, waxa noo soo suurto gashay sannadkan muddo saddex sanno ah in aanu ka helno numberkii ugu badnaa ee manhajka ama buugaagta waanu kasoo qaadnay ama way na siisay wasaaradda waxbarashadu.. waxa kale oo noo suurto gashay in aanu ardaydayada si fudud uga soo qaadno, shahaadooyinkii mudada badan ay awal hore ardaydu day-dayi jirtay.. Xidhiidhka waalidku aad iyo aad ayuu u fiicanyahay waalidka ka war hayn buuxda iyo wada shaqayn buuxda oo u dhexeeya maamulka iyo waalidka iyo macallimiinta ayaa jirta, een saddex geeskaasi si fiican ayuu iskuugu xidhanyahay..’’ ayuu yidhi markale maamumulaha dugsiyada Iftin CaliNaasir Cabdirisaaq.

b0d0d0dc-c762-4d24-9ca7-ea68e56c1a0b 0be3a0f1-350c-4321-89d2-4d8ee8259c7e 8edd74ad-3edb-452d-b920-fbee5ca8cebf 2bb1f799-3556-4516-8046-6c403c4bf7ce

SDN/QJ: Hargeysa

Comments are closed