Musharraxa Madaxweyne ee Ucid Jamaal Cali Xuseen Oo Kulan la Qaatay Halgamayaashii Dhalintii UFO
Hargaysa 02.Jan 2016 (SDN/QJ):-Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta Kulan ballaadhan oo qado ah la qaatay qaar kamid ah, halgamayaashii Dhalinyaraddi dhagax tuur ee UFO, kuwaaasoo uu Musharrax Jamaal Cali Xuseen kamid ahaa, dhalinyaradii xilligaas sameysay dhagax tuur, isagoo dhiganayey waqtigaa Iskuulka Faarax Omar magaaladda Hargeysa. Musharraxa Madaxweyne ee Ucid Jamaal iyo Mujaahidiinta dhalintii UFO ayaa saacado badan yeeshay sheeko iyo raad-raac taariikhi ah oo fog.
Kulan qadada ah ee dhex maray Halgamayaashii Ururka UFO iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, waxa uu salka ku hayey is xogwaraysi, qoto dheer iyo sidoo kale marxaladda siyaasadeed ee dalku maaraayo. Shqasiyaadka kamid ahaa halgamayaasha Ururkii UFO waxa kamid ahaa ragga miisaan culus xilligan ku leh dalka, kuwaasoo ay kamid yihiin Baashe Muxumed yare, Axmed Muxumed Madar, adan yusuf abokor, xildh. Maxamed Cumar Xaashi, Xuseen Maxamed barbaraawi, yusuf Cabdilahi Kaahin, cabdiraxmaan Cabdilahi, Dr.Cismaan Cabdi Maygaag, Axmed Xaaji Jaamac, Axmed xuseen caabi, muj. Maxamed Baaruud cali Cali qoryoolay, Cumar ciise, cabdiraxiin ina koofiyad dheere, siciid sh. Shugri iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Sidoo kale, waxa ay dhamaatood kamid ahaayeen ragii dhagaxtuurka 1981- 1982-kii kala hor tagay xukunkii macangega ahaa ee Kaligii taliye Siyaad Barre.
Waxa kale, Saaxiibadan iyo siyaasiyiintani waxa ay fallaan-qeeyen arrimaha siyaasiga ah iyo sidii looga gudbi laha marxaladoo siyaasadeed oo Somaliland xilligan hadhsaneyso, waxa ay ka sinnaayeen halgamayaashani in jiritaanka qaranimada Somaliland tahay laba taabtaan iyo in aanay uu dulqaadan doonin cidkasta oo ay ka dareeman inay duulimaad ku tahay.
Geesta kale, waxa ay Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen uu Muujiyeen taageero hiil iyo hooba ah, waxanay ballaan qaadeen in ay waxkasta ay la garab geli doonaan xilliga doorashadda. waxanay dhaamtood madasha ka sheegen in Jamaal cali Xuseen yahay shaqsiga keliya ee Somaliland horumar gaadhsiin kara, iyagoo shacabka ku boggaadiyey taageeradda baaxadda leh ay uu hayaan, Musharax Jamaal Cali xuseen, waxanay bulshada ugu baaqeen inay sii laban-laaban taageerada Musharraxa dhalinyaradda ah ee aqoonta durugsan leh, isla markaana wax badan ka bedeli doona nidaamkeena dawladnimo iyo arrimaha saameynta nololeedku yeeshay shacabka dalkeena.