|

“Waan Ka Tanaasulay Musharaxnimadii Xisbiga Waddani, Xisbigana Waxaa Musharax U Ah Cabdiraxmaan Cirro” Prof C.salaan Yaasiin DAAWO

Hargaysa 02.Jan 2016 (SDN/QJ):- YAASIINSiyaasiga Pro .Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay hankiisii murashaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana wuxuu sheegay inuu tanaasulkiisu salka ku hayo midnimadda xisbiga, oo loo baahan yahay in xisbiga guda iyo dibad baa la dhiso.

Pro : Cabdisalaan Yaasiin, wuxuu sidaa ku sheegay shirjaraaid oo uu shalay ku qabtay magaaladda Hargeysa, waxaanu yidhi “26-ka bishii November  waxaan ku dhawaaqay inaan ahay musharax u tartamaya musharaxa madaxweyne ee xisbiga waddani dhexdiisa, waxaana arintaas keenay waxyaalo badan oo loo baahan yahay oo sidaas aan sheegay ee xisbiga Ucid khilaafkoodii u dhamaystay tartanka iyo dimuqraadiyadu waa waxa aynu doonayno inaynu ku dhaqano, waa wixii aynu u dagaalanay, waa waxa dalkeenu ku dhaqan yahay wax la yaab leh oo laysku qoonsadana maaha.”Ayuu yidhi Pro. Cabdisalaan Yaasiin

Sidoo kale, Proff: Cabdisalaan Yaasiin oo ku dhawaaqaya inuu isaga hadhay tartankii musharaxnimo ee xisbiga Waddani dhexdiisa ayaa waxa uu yidhi “Tartankii aan iclaamiyey ee aan barigii dhawayd ku dhawaaqay waxa iska badalay inaan tartankii ka hadhay sababaha aan uga hadhayna waan cadayn doonaa aniga oo xaruntii xisbigayga jooga, haddii aynu reer somaliland nahayna khayr ayeynu ku jirnaa, nabad galyo iyo xasilooni ayeynu samaysanay dawladnimana waynu dhisanay, dawladnimaduna ma hawl yara sida loo dhiso haddii ay kaa burburto waanad arkaysaa sida dawladii lacagta haysatay ee Liibiya markii ay dawladnimadii ka burburtay ay u  dhisi kari wayday, halkan agteena dawladii somaliya ilaa hada ay  dhismi kari la dahay, bishii January waa taas maanta kowda ah ee ay diwaan gelintiina ka bilaabmayso magaalada Burco  oo waliba muran ka taagan yahay iyada oo dalkeenu duruufo badan leeyahay oo dadkuna ka cabanayeen, waxaas oo dhamina waxay u baahan yihiin in tacab weyn oo laysku geeyey laga galo, sidaas darteed aniga oo ka mid ah odayadii xisbiga iyo madaxdiiba xisbigu waxa uu baahan yahay in tacab badan iyo dedaal badan iyo hawl badan la galiyo.”

Dhinaca kale, Cabdisalaan yaasiin waxa uu ku baaqay in xisbiga Waddani loo midoobo sidii uu talada dalka ugu guulaysan lahaa waxaanu mar kale yidhi “Maanta (shalay), xisbiga Waddani isaga oo mid ah aniguna aan ka hadhay tartankii, musharaxa xisbiguna yahay Cabdiraxmaan waxaynu doonaynaa inuu xisbigaasi guul gaadho oo si dhakhso ah uu ugu guulaysto inuu taladii qabto waayo dimuqraadiyada aynu u baahan nahay inay somaliland ka dhalato inaynu xisbiga laftirkiisa ku korino oo ay noqoto mid xisbigu hormood uga noqdo xisbiyada kale oo dhan ayaynu donaynaa.”

Comments are closed