|

‘’Madaxtooyada Somaliland Inaynu Duminno Oo aynu Cagaf Marinno ayay Ahayd Si Aanu Raadkii Moorgan Usii Joogin,..’’ Faysal Cali Waraabe

Hargeysa,2Jan,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay ahayd in la burburiyo oo weliba cagaf la mariyo qasriga madaxtooyada Somaliland maadaama buu yidhi uu ahaa gurigii Moorgan.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ninkii dadka reer Somaliland xasuuqay gurigiisii uu xukuumadda Somaliland u yahay Qasri madaxtooyo. Isagoona sheegay in ay ahayd in la dumiyo si aanu raadkiisu usii joogin.

Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad ay habeen hore ku casuumeen dhalinyarada beesha uu kasoo jeedo ee Cidagale, ‘’Gurigaa ceebteenna Moorgan dhistay anigu garan maayee maxaynu nidhaahnaa?, Qasriga Madaxweynaha ayay yidhaahdaan, Moorgan baa dhistay… ninkii dadka gawracay baa dhistay , inaynu duminno bay ahayd inaynu cagaf marinno si aanu raadkiisu usii joogin, innagu waxaynu ula baxnay qasriga madaxweynaha,..’’ ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Dhanka Kale, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa dhalinyaradii kulankaas soo qaban-qaabisay usoo jeediyay inay ilaashadaan qarannimada dalkooda Somaliland, isagoona dhalinyarada usoo jeediyay inay ka shaqeeyaan midnimada Somaliland Bari illaa Galbeed.

Somalidiasporanews.Com

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed