|

Xanuun Kedis ah oo ku soo Booday Boqor Raabi Yusuf Cabdillaahi,Iyadoona Lagu dabiibayo Cusbitaalka International Ee Hargeysa

Hargeysa,1Jan,2015(QJ/SDN)-Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi oo ka Mid ah Madax Dhaqameedka Waaweyn ee Reer Somaliland gaar Ahaan Hargeysa, ayaa Xanuun ku soo Booday Saaka mar uu Joogay Xaflad.

Boqor ka ayaa Hadda Xaaladiisa Caafimaad lagula Tacaalaya laguna Dabiibayaa Cusbitaalka International ee Magaalada Hargeysa, kuna yaal xaafadda Calaamadaha isaga oo uu yaalla una Jiifa Xaalada Caafimaad ee Sida kediska ah ugu soo Booday.

Dhakhaatiirta gacanta ku haysa Xaalada Caafimaad ee Boqorka ayaan Soo Saarin Natiijada Baadhitaanka iyo Xaalada Caafimaad ee Boqorka uu ku sugun yahay hadda walina aan ka hadlin.

Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegaya in boqorka uu ku dhuftay xanuunka Faaliga loo yaqaanno, balse illaa hadda noomay suurogalin inaanu arrintaasi wax ka weydiinno dhakhaatiirta gacanta ku haysa xaaladdda caafimaad ee Boqorka si ay noogu xaqiijiyaan.

Boqorka Ayaan Alle uga Baryayanaa in uu Caafimaad Deg Deg ah Siiyo kana Dul Qaado Xanuunka Ku Soo Booday.

Wixii ka Soo Kordha Xaalada Caafimaad ee Boqor Raabi Inshaa Allah Waan Idiin Soo Gudbin Doonaa Wakhtiyada Soo Socda.

Comments are closed