Sababta Cali Gurey Jabuuti fadhiisisay xili UCID xaalkeedu aanu wanaagsanyn
Jabuti Jan 01,2016(SDN/QJ)-Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID Md Cali Maxamed Yusuf Cali Gurey ayaa todobaadyadii u danbeeyay fadhiyay dalka Jamhuuriyada Jabuuti xili xisbiga UCID uu dhex muquuranayay mawjado siyaasadeed o ku saleysan cida ku tartamaysa musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa doorashooyinka ina soo haya.
Guddoomiye Cali Gurey Ayaan shaacin safarkiisa iyo waxa uu daaran yahay, balse ilo wareedyo ku dhaw dhaw Guddoomiyaha ayaa qurbejoog u xaqiijiyay in Guddoomiyuhu halkaa u tegay safar shakhsi ah oo uu ku salaxanayo sidii uu ku hanan lahaa xil diplomasiyadeed.
Sida ilo wareedyadu sheegeena Guddoomiyaha Sadexaad ee UCID Cali Gurey ayaa u arkay in xilkaasi ay dawlada Jabuuti la tabantaabin kareyso bacdamaa ay madaxtooyada Jabuuti haatan si weyn u ayidsan tahay Musharaxa xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi.
Teeda kale waxa ilo wareedyadani inoo xaqiijiyeen in Guddoomiye ku-xigeenka Sadexaad ee UCID uu ku taagersan yahay in xisbigu yeesho musharax madaxweyne oo aan Jamaal Cali Xuseen aheyn.
Taageereyaasha UCID ayaa isweydiinayay todobaadyadii u danbeeyay sababta uu Cali Gurey uga maquurtay xal u helida khilaafka Xisbiga UCID.
Iyadoo Cali Gurey hore loogu yiqiinay hadal cadaan iyo far ku fiiqida kolba halka sarta siyaasada Soamaliland ka qudhunto.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in khilaafka UCID uu siyaabo kala duwan u saameeyay madaxda iyo taageereyaasha xisbiga UCID.
SDN/QJ-Hargeysa