“Haddii Reer Burco oo dhami isku tagtaan laaluush ii sheegan maysaan..” Maayarka Magaalada Burco DAAWO
Burco 01.Jan 2016 (SDN/QJ):-Maayarka Magaalada Burco Maxamed Muuse Muraad, ayaa beeniyey Warar la xidhiidha inuu sameeyay Musuqmaasuq isla-markaana Laaluush ka qaatay Cid gaar ah.
Maayarka oo ka hadlayey Munaasibad Komiishanka Maamul-Wanaagga iyo La dagaalanka Musuqmaasuqu ku qabteen Burco, ayaa yidhi, “Haddii Reer Burco oo dhami isku tagtaan laaluush ii sheegan maysaan, odhan maysaan Maxamed Muraad ayaanu laaluush siinay oo waxaas noo sameeyay, Waayo? Alle ayaan hore u waydiistay in aanan reer Burco laaluush ka qaadan waana la iga aqbalay ayaan u malaynayaa oo kashkayga kuma ogi toban dollar.”
Maayarka oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Waan ku faraxsanahay Aniga kuwii Laaluusha ii keenay ee aan ka diiday waabay i ashkateeyeen oo hadda ayay dacwaddeedii igu socotaa.”