|

‘’Sanadkan Caalamka Waxa Lagu Dilay 69-Suxufi’’ Ururka Difaaca Suxufiyiinta Caalamka CPJ

Hargeysa,30Dec,2015(QJ/SDN)-Ururka u dhaqdhaqaaqa difaaca Suxufiyiinta Caalamka ee [CPJ] ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in sanadkan dhamaanaya 69-suxufi lagu dilay caalamka oo dhan, kuwaasoo la dilay iyagoo hawlahooda shaqo wata, iyadoo tiradani ay ka badan tiradii sannadkii 2014-kii lagu dilay caalamka oo ahayd 61-suxufi.

Waddanka Suuriya iyo Faransiiska ayaa noqday dalalka lagu dilay suxufiyiinta ugu badan sannadkan 2015, inkastoo ururka wariyeyaasha aan xuduudda lahayn ee calaamka ee RSF ay warbixin ay iyaduna soo saartay maanta ay ku sheegtay in Ciraaq ay tahay waddankii lagu dilay suxufiyiintii ugu tiro badnaa ee sannadkan caalamka lagu dilay.

Sidoo kale, CPJ ayaa warbixinteeda ku xustay in 40% suxufiyiintii sannadkan la dilay ay dileen kooxaha islaamiyiinta ah; kuwaasoo sagaal ka mid ah lagu dilay dalka Faransiiska, halka dalka Siiriiya isna lagu dilay sannadkan 13-suxufi.

Warbixinta CJP ayaa lagu xusay in warar ay goor-hore heshay ay sheegayeen in lagu dilay dalka Suuriya sannadkan 90-suxufi, balse baadhitaan ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in 13-suxufi oo keliya lagu dilay dalka Suuriya Sannadkan.

Dalalka lagu dilay wariyeyaasha sannadkaan ayaa waxaa ka mid ah Somalia oo la sheegay in sannadkaan lagu dliay saddex wariye, kuwaasoo kala ah; Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd, Radio Muqdisho oo lagu dilay Muqdisho 03-dii December, 2015-ka. Mustafa Cabdi Nuur oo ahaa wariye madax-banaan oo lagu Muqdisho 01-dii November, 2015-ka iyo Daa’uud Cali Cumar oo Radio Baydhabo ka tirsanaa oo isna lagu dilay Baydhabo 29-kii Abriil ee sannadkan 2015-ka.

“Inta badan suxufiyiintii sannadkaan la dilay waxaa dilay kooxaha hubeysan ee ay ka mid yihiin kuwa Islaamiyiinta ah ee caalamka ka dagaallama,” ayaa warbixinta CPJ lagu yidhi; inkastoo ay sheegtay inay jiraan suxufiyiin kale oo iyagana si toos ah loo toogtay.

Dhinaca kale, hay’adda RSF ayaa warbixinteedii maanta ku sheegtay in caalamka oo dhan lagu dilay sannadkan 2015-ka – 65-suxufi, kuwaasoo ay xustay in la dilay xilli ay ku jireen howlahooda shaqo, iyadoo xustay in 11-suxufi oo ka mid ah dalka Ciraaq lagu dilay, halka CPJ ay sheegtay in Ciraaq lagu dilay sannadkan 2015-ka shan suxufi oo keliya.

 Dalalka Qaaradda Afrika ee sannadkan Suxufiyiinta lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah; Kenya oo lagu dilay hal suxufi, Liibiya oo lagu dilay hal suxufi, Gaana oo lagu dilay hal suxufi iyo Somalia oo lagu dilay saddex wariye.

Somalidiasporanews.Com

Hargeysa,Somaliland Office

Comments are closed