|

Sheekh Aadan Sunne Oo Ka Hadlay Mowliidka Nebiga iyo Kittaabka Alwalaa Walbaraa Oo Dowladda Somaliland Lagu Eedeeyay Inay Joojisay {DHAGEYSO}

sheekh aadan sunneHargeysa,30Dec,2015(QJ/SDN)-Sheekh Aadan Cabduraxmaan (Aadan Sunne), oo ka mid ah culimada Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ka hadlay Mowliidka Nebi Muxammad NNKH iyo Kittaabka ‘Alwalaa Wal Baraa’ oo ururka Al-shabaab ay dowladda Somaliland ku eedeeyeen inay ka joojisay in dhallinyarada loo dhigo.

Sheekh Aadan Sunne, ayaa waxa uu si kulul ula hadlay Culimada Suufiyada isagoo ku tilmaamay inay baadil ku suganyihiin, isagoona sheegay in ay ku xad-gudbeen Nebi Muxammad NNKH.

‘’Intaad dibiro dillaacdeen oo aad qaad iyo garaabiyo waxaad doontaanba cunteen ayaad heesteen oo aad qannaayadayseen, oo muusikii raabka tumateen, miyaanan idin arkayn markaad Maansoor ku tumanayseen sidaad isku ruxayseen iyo muusika la idiin garaacaayay, Mustajaamaca ugu wayn Hargeysa waxaad ka sameynayseen muxuu ahaa?, ma sidaasuu sameeyay Nebi Muxammad?. Haddaad Nebi Muxammad ku dayanaysaan maalinta isniinta sooma, faraha ka qaada waxa kale iyo Xaflad sanadeedkan shirkiga iyo bidcadu ka buuxo. Laba iyo tobanka bilood inta kale waad aamusantihiin qayladiina bishaas uun baa la maqlaa, xaggaad kaga maqnaydeen Nebiga inta kale CSW. Bidca xasana haddaad u taqaanno Mowliidka waa bidca dalaala.’’ Ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne

Dhanka kale, Sheekhu waxa uu ka hadlay Kittaabka ‘Al-walaa Wal Baraa’ oo ururka Al-shabaab ay dowladda Somaliland ku eedeeyeen inay joojisay akhriskiisa, waxaana uu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya ‘’Sheeko aynu isku xamanayno maaha dadkuna waa inna ogyahaye, waynaga kutubta tawxiidka qaybo ka mid ah mancinnnay, ee nidhi naashi’ada barbaarta labaatan jirka ah ma akhrisan karaan wixii ku simani, loomana akhriyi karo wixii ka wayn mooyaane, ILLAAHAY wuxuu yidhi; Ma kitaabkaad rumeynaysaan qayb, qaybna waad ku kufriyaysaan. Halkay ku taalaa diinta Nebi Muxammad loo keenay ee la yidhi Labaatan jir inta ku siman ma akhrisan karto?… kitaabka iyo sunnada sheegay waakee labaatan jir Ageka ku siman ma akhirsan karo Towxiidka, halka ku taallaa?.’’ Ayuu yidhi Sheekh Aadan Cabdiraxmaan (Sunne).

Halkan Guji Oo Mobilekaaga Ku Dhagayso Khudbadda Sheekh Aadan Sunne

Halkan Hoose Kaga Dhagayso Sound Cloud;

Comments are closed