|

‘’Garoonnada Badhan iyo Garoowe Sheekh Shariif ayaa Cagta saaray, Ka Hargeysana wuxuu yidhi sii daaya,.’’ FAROOLE

Garoowe,29Dec,2015(QJ/SDN)-Madaweynhihii hore ee Maamulka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, ayaa waxa uu ka hadlay taariikhda Garoonka Diyaaradaha Garoowe uu soo maray, isagoona ka sheekeeyay sidii ay dowladdiisu uga qayb-qaadatay in la hir galiyo dhagax-dhigga garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Mudane Faroole, oo ka hadlaayay xafladdii dhawaan lagu dhagax-dhiggay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxa uu sheegay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Xassan uu is hortaagay mashruucii lagu dhisi lahaa garoonnada Magaalada Badhan iyo Garoowe, halka Maddaxweyne Shariif uu sii daayay mashruucii lagu dhisay garoonka diyaraadaha ee Magaalada Haregysa.

‘’Mashruucan oo 2010kii la bixiyay oo yaallay Kuwait Fun, oo dowladda dhexe laga rabay inay horay u dhaqaajiso, oo ay wada yaalliin Airportka Hargeysa iyo kan Garoowe iyo Badhan, Sheekh Shariif baa Cagta saaroo wuxuu yidhi kan Hargeysana sii daaya kuwaana dib u dhigga, Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon markuu Halkan noogu yimid ayaan kala hadlay oo uu nagu yidhi anigaa sii daynaya,..’’ Ayuu yidhi Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Khudbaddii Uu Faroole Ka Jeediyay Xafladdii Dhagax-dhigga Garoonka Diyaaradaha Garoowe:

Qurbejoog: Hargeysa Office

Comments are closed