|

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Asxaabta Mucaaridka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka DAAWO

Hargeysa,29Dec,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan la qaatay komishanka doorashada iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland. Kulanka ayaa daarranaa falanqaynta qaabkii ay diwaangalinta codbixiyeyaashu u bilaami lahayd.

Guddida doorashooyinka qaranka ayaa xukumadda iyo xisbiyada soo hor dhigtay habka gobollada dalku ugu kala horraynayaan diwaangalinta codbixiyeyaasha iyo wakhtiga la qaban doono oo lagu sheegay horraanta bisha January ee sanadka foodda inagu soo haya ee 2016-ka Isla markaana lagu Bilaabi doono Gobolka Togdheer,Komiishanku Waxay Intaas ku dareen inay Si rasmi ah u soo Cayimi doonaan Maalinta ay Bilaabmayso Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Fure u ah Qabsoomida Doorashooyinka Madaxtinimo iyo Wakiilada ee Ku Mudaysan Sannadka 2017.

Saddexda xisbi ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin arrimahaasi, islamarkaana ku bogaadinayaan guddida doorashada hawsha baaxada leh ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Comments are closed