|

Mudanayaal Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland hor-geeyey Baarlamaanka Midawga Yurub iyo Dalalka ay u dhasheen

Brussels 29 December, 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaanno Baarlamaanka Midowga Yurub ka tirsan ayaa ka markhaati furay in madaxbannaani Somaliland ka hesho caalamka wakhtigeedii la joogo, sharci diidayana jirin, maadaama horeba xubin uga ahayd Qaramada Midoobay.

yy
Dood Shalay Xarunta baarlamaanka Midowga Yurub ee Brussels ka dhacday oo ku saabsanayd dagaallada Yemen iyo qatooxiga ayaa xildhibaan James Carver hoosta ka xariiqay in Somaliland kaalin muuqata ka qaadatay soo dhoweynta qaxooti badan oo soo gaadhay Xuduudahooda.

Mr. Carver, oo Xisbiga UKIP ee Ingiriiska u metela baarlamaanka Yurub, isla-markaana si weyn u taageera qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kana hadlayey dooddii oo codsi la xidhiidha qadiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo taageerideeda u soo jeediyey Mr. Charles Tannock,  xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Yurub, balse kala xisbi yihiin, ayaa yidhi, “Ma ka heli karaa saaxiibkay Tannock, inkastoo aanu Xisbiyo kala afkaar duwan metelo inuu igu garab istaago dib-u-aqoonsiga Somaliland, oo Waddan xasiloon oo Geeska Afrika ku yaalla ah, iyo inaan ku hambalyeyno taageerada ay ka geysteen qaxootiga soo gaadhay dekedooda Berbera, ee ka soo cararya dagaalada Yemen.”

Xildhibaan Mr. Charles Tannock oo ka jawaabayey codsiga loo soo jeediyey ayaa yidhi, “Wuu mahadsan yahay saaxiibkay Carver. Dhab ahaan, Somaliland waa bogcad xasiloon oo si weyn ula dagaalanta budhcad-badeedka iyo Argagxisada, taariikhdii hore oo xeerka Qaramada Midoobay u aqoonsaday dal madaxbannaan, marka arrimaha loo eego way mudan tahay dib-u-aqoonsi.”

Mr, Tannock ayaa hadalkiisa raaciyey, “Inkastoo dooddu la xidhiidho dagaallada Yemen, qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland daliil sharci adag ayaa laga diyaarin karaa, niyadaydana way ku weyn tahay, waanan ku hambalyeynayaa Xukuumadda Somaliland taageerada iyo soo dhoweyntooda qaxootiga Yemen ee xeebahooda soo gaadhay.”

Badheedhaha labadan Xildhibaan ee ka tirsan baarlamaanka Yurub ee ku waajahan taageerida qadiyadda dib-u-aqoonsiha Somaliland ayaa imanaya xilli wakhtiyo kala duwan sidan oo kale uga caddeeyeen fadhiyada baarlamaanka taageeradooda Somaliland, isla markaana Madaxweyne Axmed Siilanyo ku qaabilay Hargeysa wakhti xildhibaan Mr. Tannock iyo wefdi uu hogaaminayo booqasho ku yimaaddeen Somaliland.

Comments are closed