|

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qaabka Loo Wadaagayo Khayraadka Dalka

Muqdisho,29Dec,2015(QJ/SDN)-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta  xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxafadeed ay uga hadleyso habka wadaagga wax soo saar ee  khayraadka dalka, iyadoo taageera ka heleysa African Legal Support Facility (ALSF).

Dowladda Federaalka Soomaaliya  waaxa laga taageerayaa dhanka qalabka wax soo saarka  Bangiga horumarinta Africa iyo African Legal Suport  ayaa loo xilsaaray in ay caawiyaan dalal ay ka mid tahay Somaliya oo laga caawinayo dhanka warshadaha iyo ganacsigaba.

Shirka looga hadlayay arimahan waxa lagu xulay ilaa Shan shirkadood oo si caalami ah loo xulay kuwa oo ka shaqayndoona arrimahan.

Wasiirka wasaradda Batroolka iyo Macdanta xukumadda Fadaraalka  mudane Maxamed Mukhtar Ibrahim ayaa yidhi  “waa nooca ugu habboon  ee loo samayn karo habka shidaal sahminta iyo ka shaqaynta shirkadaha shidaalka”.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhanka shidaalka uu wato saameyn intiisa la eg,  isagoo xusay in heshiishyada habwadaaga wax soo saarka ay noqodonaan kuwo si caalami ah loo fuliyo.

Comments are closed