|

Maayarka Caasimada Hargaysa oo Dalka Dib ugu Soo laabtay Bulshadana ugu Bushaareeyay Wax-qabad ay ku farxaan DAAWO

Hargaysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):-Maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa dalka dib ugu soo laabtay Kadib safar shaqo oo uu mudo ugu Maqnaa Waddamada Ethopia iyo Sweden.
soltecoMaayirka Caasimada oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Maayir ku xigeenka Caasimada Cabdicasiis Cagawayne, Xoghayaha Fulinta dawlada Hoose Ibraahim Axmed Raabi, Xildhibaanada golaha deegaanka, Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Salaadiin iyo Dadweyne tiro badan.
Maayir ku xigeenka Caasimada Cabdicasiis Cagawayne oo qolka nashada garoonka kula hadlay markii uu maayir soo degay ayaa faahfaahiyay ujeedada safarka u maayirku kaga maqnaa dalka isagoo islamarkaana sheegay in ay si wayn ugu faraxsanyihiin inay maanta soo dhaweeyaan maayirkii caasimada Somaliland.
“Maanta waxaanu madaarka Hargeysa kusoo dhaweynaynaa Maayirkii caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hawl gal balaadhan oo waxqabadle dalka Ethopia ilaa iyo Yurub oo Stockholm ah, guulaha uu maayirku safarkiisa kasoo hooyay oo ah qaar taariikhiya, aad iyo aadna aanu ugu faraxnay waxaa kamid ahaa inuu maayirku soo mataaneeyay Magaalooyinka Hargeysa iyo Stockholm, waanu kusoo dhaweynaynaa maayir anigoo ah Kusimahaagii, Xoghayahii dawlada hoose, xildhibaanadii , salaadiintii, saxaafadii iyo dadwaynihii caasimada”ayuu yidhi Maayir ku xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagawayne.
Geesta kale Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa sheegay inuu ku maqnaa safarka shaqo uu muhiim u leh bulshada caasimada iyo gobolada ee dalka isagoo dadwaynaha ugu bushaareeyay in todobaado gudahood ay la kulmi doonaan wax-qabad ay ku farxaan.
“Waxaan ku maqnaa safar laba waddan ah oo kala ah Ethopia iyo Sweden gaar ahaan Stockholm iskugu jira, Ethopia waxaanu u tagnay inaanu soo dhameystiro Saxeex iyo qalabkii aanu diyaarinayay inaanu soo dhameytirno intii ka dhinayd, iyo qorshe shan sanadood ah oo anaga iyo Ethopia iyo Djabuti wax kala iibsanayso aan soo dhameyno, dadka caasimada Hargeysa iyo Dadwaynaha kale ee Dalku waxay arki todobaadkan ama laba todobaad kadib waxay ku farxaan.Safarkayga waxaan usii dhaafay Dalka Sweden oo aan laba hawlood u tagay laakiinse Saddex hawlood ay iisoo dhamaadeen”ayuu yidhi Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Caydiid Soltelco.
Gabagabadii waxaa maayirka Caasimadu uu salaan la dhexmaray dadweyne tiro badan oo ku sugnaa Albaabka Hore ee Madaarka dadwaynahaasi oo markii dambe maayirka usoo galbiyey gudaha magaalada Hargeysa.

Comments are closed