|

Kayd Biyoodkii Ugu Weynaa oo S.land laga Hirgalinayo & Madaxweynaha Siilaanyo oo Maanta Dhagax Dhigay DAAWO

Hargaysa 28. December 2015 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca Biyo Xidheen ah Kaas oo laga Hirgalinayo Deegaanka Xunboweyne ee Degmada Laasgeel, Kaas oo Qayb ka Noqon doona Hawlgalka Biyo Balaadhinta Caasimada Hargaysa.
dhagax dhigMadaxweynaha oo dhagax-dhiga ka dib halkaasi hadal ka jeediyey ayaa yidhi Waxaan jecelahay in aan Odayaasha Deegaanka uga mahadceliyo soo dhaweynta diiran iyo taageerada ay la barbar taagan-yihiin dawladda, taas oo inoo suurto-gelinaysa in aynu raacno dhabaha guusha meelna uga soo wada jeedno sidii dalka iyo dadkuba u dhismilahaayeen.
Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo inoogu deeqday dhaamkan iyo mid kale oo laga dhisi doono deegaanka Magaalada Laascaanood. Sidoo kale, waxay ka fulin doonaan mashaariic kale oo qiimo leh goobo kale oo muhiima.

Sidoo kale waxa halkaasi hadalo ka jeediyey Wasiirka Biyaha, Masuul ku hadlaayey afka shirkada gacanta ku haysa dhismaha dhaamka iyo Odayaasha deegaanka.

Iyadoo madaxweynaha hadhimo sharafeed balaadhan loogu sameeyey Beer weyn oo ku taala Deegaanka Xumbo weyne, isagoo madaxweynuhu shacabka deegaanka ku dhaqan kala hadlay barxad weyn oo ay isugu soo baxeen loona qorsheyey in madaxweynaha lagu soo dhaweeyo, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad aad u tiro badan oo jewi wanaagsan iyo farxad ku qaabiley madaxweynaha iyo weftigiisa.

Halkan ka Daawo Munaasibada Dhagax dhiga Dhaam Biyoodkan,Hadhiimo Sharafeedkii Madaxweynaha lagu Maamuusay Iyo Weedhihii laga Jeediyey

 

Comments are closed