|

Barnaamij gaar ah oo laga diyaariyay Dhagax-dhiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garowe DAAWO

Garowe 28.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay garoonkii diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

3110Wuxuuna noqon doona garoonkii 2aad ee caalami ah ee laga hirgeliyo Puntland Muddadii uu xilka hayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Munaasibadda dhagax dhigga Garoonka ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Madaxweyne ku-xigeenkii hore General Cabdi-semed Cali Shire, Wasiiro, Xildhibaano, Masuuliyiinnta iyo Shaqaalaha Shirkadda Turkiga ah ee dhisaysa Madaarka, ganacsato, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Madaxweynaha Puntland ayaa intii aanu dhagax dhigin garoonka ka hor waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidanka Police-ka Puntland iyo Kooxda Baanbayda ciidanka waxaana intaasi kadib uu madaxweynuhu dhagax dhigay madaarka.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka sheekeeyey marxaladihii uu soo maray helitaanka mashruucan lagu dhisayo garoonk diyaaradaha ee garoowe, isagoona uga mahadceliyey Dawladda aan walaalaha nahay ee Kuwait mashaariicda horumarineed ee ay ka fulisey Puntland kuwaas oo ay ka-mid yihiin Garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir kuwaas oo waxweyn ka beddeli doona wejiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ballan qaaday dardar gelinta dhismaha garoonkan in aanu cidna ku hallaynayn ee uu ka-madaxweyne ahaan il gaar ah ku hayn doono si looga mira dhaliyo himilada horumarineed ee shacabka reer Puntland iyo ballan qaadkiisii ahaa taabba gelinta, hirgelinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale xusay in uu dhaboobey ballanqaadkiisii hore ee ahaa in 2sanno gudohood ay Puntland yeelan doondo 1-airport, 3sanno gudohoodna ay yeelan doonta 2-airport, halka afar sanno gudohoodna ay yeelan doono 3-airport taas oo maanta la dhagax dhigay kii labaad muddo labo sanno gudohood ah iyadoo uu soo dhammaaday madaarkii caalamagi ahaa ee Magaalada Boosaaso.

Comments are closed