|

“Arrinta Sababtay Sicir bararka Waa Kharashaadka Hay’adaha dawlada,Waxaa Khasnada dawlada ka soo baxa Konton Bilyan oo Mushaharka Shaqaalaha aan ahayn” DAAWO

Xildhibaano Soo jeediyay In Miisaaniyada laga Saaro Kab (caawimo)Wasaarada Maaliyada ugu dartay ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA
Hargaysa 28.Dec 2015 (SDN/QJ):- Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa kalfadhigii maanta ay ku lahaayeen Aqalka golaha wakiilada somaliland ka dooday kharashaadka miisaaniyada 2016 ee wasaarada maaliyadu usoo gudbisay horaantii bishan aynu ku jirno.
Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland waxaa ay doodooda ku sheegeen in sicir bararka ka jira dalka ay masuul ka tahay kharashaad xukuumada ee miisaaniyada sanad walba kor usii kacaysa, iyagoo sheegay in loo baahanyahay in la is dul taago meelaha ay ku baxayso kharashaadka miisaaniyada loogu talo galay ee ay qorsheysay wasaarada maaliyada somaliland.
Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland waxaa ay doodan aad ugu dureen guddida uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay kasoo talo bixinta iyo xalin sicir bararka ka jira dalka maadaama sicirka bararka ka jira dalka uu yahay aafo qaran ee aanu khuse ama aanay la macaamili karin xukuumada oo kaliya.
Sidoo kale, qaar ka mida mudanayaasha golaha wakiilada oo doodii  ka dhiibtay fikirkooda ayaa soo jeediyay in Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA laga saaro Miisaaniyada 2016 oo wasiirada maaliyadu kab u siisay ururkaasi si uu ugu dhisto Dhisme u gaara sanadka inagu soo Socda 2016ka.

Comments are closed