|

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Gaadhay Magaalada London Iyo Ujeedada Socdaalkiisu Salka ku hayo

London 28.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa gaadhay magaaladda London ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu sheegay inuu ku sugnaan doono muddo laba todobaad ah.

SACAD

Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu sheegay in mudada uu ku sugan yahay Ingiriiska uu kullamo la yeelan doono saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Ingiriiska iyo masuuliyiinta hay’adda kaalmadda u qaabilsan Britain ee DFID.

 

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in uu mudada uu joogo Ingiriiska kulamo xog waran ah la yeelan doono Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaas.

Wasiirka waxa madaarka London  ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah dublamaasiyiinta Somaliland u jooga UK iyo qurbo-jooga reer Somaliland.

Comments are closed