|

Khatarta Koronkorta Ayaxa oo la Saadaaliyey inay ka dillaacdo deegaannada Xeebaha Somaliland iyo Diyaar-garawga Wasaaradda Beeraha

Hargaysa 28.Dec 2015 (SDN/QJ):- Halis ka dhasha aafada Koronkorta Ayaxa, ayaa laga cabsi qabaa inay ka dillaacdo deegaannada ku teedsan Xeebaha Galbeedka iyo Barriga Jamhuuriyadda Somaliland, sida laga soo xigtay ilo arrinkaa u dhuundaloola.

ayax
Xogahan Wargeyska Himilo helay ee la xidhiidha halista Ayax ka dillaaca dalka, ayaa imanaya wakhti dhawaan Wefti khubaro ka socda Wasaaradda Beeraha, oo aqoon u leh la-dagaallanka Ayaxu kormeer loogu kuurgelayo halsitiisa ku soo mareen guud ahaan deegaannada ku teedsan Xeebaha dalka.

 

Sida ilo ku dhawaa socdaalka Weftiga noo xaqiijiyeen waxa la saadaalinayaa in muddooyinka soo socda ugxanta Ayaxu ka dillaacaan guud ahaan deegaannada Xeebaha Galbeed oo dhawaan Roobab koobani ka da’een.

 

Inkasta oo guud ahaan la saadaalinayo in ugxanta Ayaxu dillaacdo, ayaa dhinaca kale xogahani tilmaameen inay Aafadaasi ku soo kala hormari karto deegaannada Xeebaha, maaddaama oo dhinaca Galbeedka Roobabka sababa inuu dillaaco ka da’een. Balse, weli Xeebaha Barriga, aanay helin Roobabku.

 

Dadka deegaannada Xeebaha ayaa sidoo kale la sheegayaa inay xog-ogaal u yihiin halista ka dhalan karta in ugxanta Ayaxa ee aasani dillaacdo, inkastoo aanay haynin aqoontii iyo agabkii laga hortagi lahaa aafadaas.

 

Halistan Ayaxa oo dadka aqoonta u lihi sheegeen in keliya lala dagaallami karo intuu koronkorta yahay ee aanu duulin, ayaa shaaciyey in lagaga badbaadi karo haddii xilligan uu jiro diyaargarow dhammaystiran oo Dawooyinkii iyo dhaqaalihii lagu fulin lahaa u diyaarsan yihiin.

 

Wasaaradda Beeraha oo Bulshada Somaliland uga masuul ah ka hortaga aafooyinka Ayaxu dhaliyo iyo Hay’adaha caalamiga sida Hay’adda Cuntada Adduunka ee FAO), ayaan weli wax war ah ka soo saarin halistan la saadaalinayo inay ku soo waajahan tahay dalka, xilligana ifafaalaheedii bilawgu muuqdo, inkastoo laba sannadood horteedba xilli ugxantii Ayaxu ka dillaacday dalka lagu hungoobay taageero laga helo hay’adaha caalamiga.

 

Inkastoo la sheegayo in Wasaaradda Beerahu dhawaan Wefti labaad u diri doonto deegaannada Xeebaha si loo soo xaqiijiyo in dillaaciddii ugxanta Ayaxa bilaabantay, ayaa dhinaca kale Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu macluumaad dheeraad ah ka weydiiyo Masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Beeraha, balse noomay suuragelin inaannu helno Wasiirka oo Taleefankiisa gacanta naga qaban waayey iyo Agaasimaha guud toona.

 

Hase-yeeshee, Wargeyska Himilo oo Khadka Taleefanka ku helay, Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Somaliland Mr. Sacad Muuse Cabdi, waxaanannu wax ka weydiinnay halistan Ayax ka dillaaca Xeebaha ee laga digayo iyo waxay kala socdaan, waxaanu xaqiijiyey jiritaanka halista aafada Ayaxu inay ka dillaacdo dalka, balse waxa uu intaas raaciyey in Wasaarada Beerahu ku hawlan tahay qorshihii looga hortegi lahaa dhibaatooyin ka dhasha.

 

“Halista dillaaca ugxanta Ayaxu way jirtaa, laakiin, hawlwadeenno Wasaaradda Beeraha ka tirsan, ayaa  bilihii u dambeeyey socdaallo lagu ogaanayo heerarka uu marayo dillaacidda ugxanta Ayaxu, ku soo maray deegaannada looga shakisan yahay, sannadkanna, intaanay ugxantu dillaacin ayaa Wasaaraddu hawlgalkeeda bilawday.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Beeruhu.

 

Mar Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Somaliland Sacad Muuse Cabdi aannu weydiinnay qorshaha Wasaaradda ee xilligan ayuu ku jawaabay; “Haddii xogtii la hayo, sidii looga hortegi lahaa waannu ku hawlan-nahay Wasaarad, Xukuumad, waddamada jaarka iyo hay’adaha caalamka ee ka shaqeeyaba loo diyaargaroobo, maaddaama halista aafada Ayaxu ku koobnaan meel keliya ee Qaaradaha uu isaga tallaabo ahba loo diyaargaroobo,  haddii ay tahay Dawooyinkii iyo qalabkii kale ee loo adeegsanayey iyo hawlwadeennadii fulin lahaaba waa lagu jiraa.”

Comments are closed