“Waxaynu Maanta Khatar u Nahay Niman Intay Cumaamadii Halkan Saarteen Yidhaa Salaadiin baanu Nahay, oo Ilaa Carta ka soo Heesay” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO
Hargeysa, 27 December, 2015-(SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta Mar uu ka qayb galay Xaflad loo sameeyay arday ka qalin jebisay Jaamacada Hargaysa Isla markaana baratay aqoonta Dublamaasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa Weeraray Doorka Hogaamiyeyaasha Dhaqanka Somaliland ay kaga Jiraan Siyaasada dalka.
Gudoomiye Waraabe oo Hadal duur xul ah u diray Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Shalay ku eedeeyay inuu Xisbiga Ucid noqday mid qof keliyi Leeyahay ayaa Sheegay inay Waajib tahay sidii dabar loogu samayn lahaa Salaadiinta marka laga hadlayo Falanqaynta Siyaasada Iyo Xisbiyadda qaranka.