|

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Oo Beeniyay In Haweenka Laga Mamnuucay Xidhashada Niqaamka {DHAGEYSO}

Jowhar,27Dec,2015(QJ/SDN)-Maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa shalay ka mamnuucay haweenka inay xidhaan indho-shareerka ama niqaabka iyo in aanay degmadaas ku dhex-socon karin xilliyada habeenkii ah mootooyinka Bajaajka ee saddexda lugood leh.

Agaasimaha warfaafinta meaamulka gobolka Shabeellada Dhexe, C/kariin Cumar Macallin ayaa sheegay in laga billaabo maalinkii shalay oo ay taariikhdu ahayd 25-ka December, 2015-ka laga mamnuucay haweenka inay indho-shareerka ku dhex-maraan gudaha degmada Jowhar.

Balse arrintaasi ayaa waxa markiiba jawaab ka bixiyay oo kasoo horjeestay Guddoomiye ku xigeenka maamulka shabeellaha Dhexe Sheekh Cumar Cali Maqaney,waxaana uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay waxba kama jiraan,  isagoona sheegay in ay wadaan baadhitaan la xidhiidha sababta keentay in mas’uulkaasi uu sheego go’aan aanu maamulku gaadhin.

‘’ Arrintaas waxba kama jiraan, wax maamulka oo heer degmo iyo heer gobol ah oo inta go’aan  la iskugu yimid laga tashaday ma jiraan, ninkaas illaa iyo hadda shaqo ayaa socota oo waxa la baadhayaa meeshii uu ka keenay iyo cidda go’aankaas gaadhay, haddana su’aal ayaa ku soocta,..’’ ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka gobolka shabeellaha dhexe mudane Cumar Cali Maqaney

Mudane Cumar Cali Maqaney, isagoo u warramayay idaacadda Codka Maraykanka ee VOA-da waxa uu intaasi ku daray ‘’Haddii wax la mamnuucayo iyo haddii kalaba arrintaasi waxay u taallaa maamulkii gobolka, laakiin in laga been sheego  oo la yidhaahdo maamulka gobolka shabeellaha dhexe waxa uu joojiyay indho-shareer, arrintaasi waa been wax ka jirana malaha,..’’ ayuu yidhi mudane Cumar Cali Maqaney.

Ugu danbeyntii, Guddoomiyaha ayaa raaligalin ka bixiyay hadalka kasoo yeedhay agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka shabeellaha dhexe Mudane C/kariin Cumar Macallin ‘’Horta raaligalinbaan ka bixinayaa ninkaas oo maamulka gobolka agaasimihii warfaafinta sheegtay oo ummaddii khal-khal galiyay, xattaa amnigii magaalada iyo dadkii khal-khal iyo tashuush badan galiyay,..’’ ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka gobolka shabeelaha hoose.

Halkan Hoose Kaga Dhagayso SoundCloud:

 

Comments are closed