|

Mu’adinkii Masjidka Xaramka, Sheekh Muxamed Siraaji Oo Habeenkii Xalay Geeriyooday!

Makka,26Dec,2015(QJ/SDN)-Waaxda qaabilsan arrimaha Masjidka Xaramka ee magaalada Makka Al-Mukarama iyo Masjidka Nebiga “SCW” ee magaalada Madiina Al-Munawarrah ayaa xaqiijisay inuu geeriyooday Mu’adinkii Masjidka Xaramka Sheekh Muxamed Siraaji (AHUN).

Sheekha Allaha u naxriistee waxa uu habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday Cisbitaalka Al-Nuur ee magaalada Makka, isagoo in muddo ah xanuusanaa, waxaana maanta lagu aasay Qubuuraha Al-Mucalla ee isla magaaladaasi.

Sheekh Muxamed Siraaji, waxa uu billaabay inuu ka Addimo Masjidka Xaramka sanadkii 1403-dii Hijriyada oo ah 36 sano ka hor kuna beegnayd 1979kii ee taariikhda miilaadiga, waxaana uu howshaas kala wareegay Aabihii, kaas oo isna muddo dheer Mu’adin ka ahaa Masjidka Xaramka ee magaalada Makka.

ALLE Swt, waxaan u weydiinaynaa inuu u naxriisto Sheekh Muxamed Siraaji, islamarkaana uu ka aqbalo camalkiisa, uuna Sabir ku arsaaqo Qaraabadii iyo Ehelladii uu ka baxay.

Innaalillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun. الشيخ محمد سراج مؤذن الحرم المكي ” رحمه الله “

‘Halkan Guji Oo Daawo Eedaankii Ugu Danbeeyay Ee Sheekha 

Comments are closed