|

Waa Maxay Xidhiidhka ka Dhexeeya dabaaldega sanadka cusub iyo Ciidda Kiristaanka? DAAWO

Hargeysa, 27 December, 2015-(SDN/QJ):-Waxaa sanadahaan dambe aad u soo batay xafladaha soomaalidu iyo guud ahaan Muslimmintu u dhigto soo dhaweynta sanadka cusub ee Milaadiga, waxaana caado noqotay in la qabto xaflado, riwaayado iyo hambalyo ku aadan sanadka cusub.

Dhanka kale dawladda Soomaaliya ayaa markasta soo saarta baaq ku saabsan inaan ciidda Kiristaanka (Christmas) laga xusi Karin Dalka Soomaaliya. Haddaba waxaa isweydiintu tahay maxay tahay Xidhiidhka ka dhexeeya sanadka Milaadiga iyo ciidda Kiristaanka? muxuu yahay sannadka cusub? Yaa u muddeeyay 1-da January? Goormuu soo bilawday?

Sannadka milaadiga waxaa loo yaqaan Kaleendarka Girigooriyan (Gregorian calendar) ama kaleendarka Kiristaanka (Christian Calendar) waxaana loogu magacdaray ninkii alifay oo ahaa baadari la odhan jiray Pope Gregory XIII oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Baadarigaan wuxuu alifey sanadka milaadiga Bisha February 1582. Xilligaas wixii ka horeeyay caalamka waxaa ka jiray Kaleendaro kala duwan oo qoloba si u xusto, xattaa yurub kama jirin hal calendar oo ay isku raacsan tahay, waxaase yurub ugu caansanaa kaleendar la oranjiray Julian Calendar. Xilligaas ka hor sanadka cusub wuxuu yurub u bilaaban jiray 25-ka Maarso (March 25th) taas oo ay sheegaan inay ku aadan tahay dhalashadii Maryam (CS). Baddalida Kaleendarku waxay ka dhalisay dalalka reer Yurub dood dheer.

Waxaana loo kala qaybsamay kooxaha iyo dawladaha Kaatooliga oo markiiba soo dhaweeyay sanadka cusub iyo kuwa boroteestanka (Protestant) oo ku doodayay inay tahay mu’aamarad kaatooligu soo abaabulay. Taas ayaana keentay dib u dhac ku yimaada in la meel mariyo ku dhaqanka sanadka cusub.

Comments are closed