“Lagaama Sugayn Inaad Tidhaahdo Waxaan Samaynayaa Is Dhexgal Iyo Isu Safar….” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
Hargaysa 26.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ku dhaliilaay inaan laga filaynayn inuu yidhaahdo waxaan samaynayaa isdhexgel iyo isu safar. Isla markaana wuxuu sheegay in aanu qarankan ahayn mid iib ah.
Xidhibaanku wuxuu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Star Tv, waxaanu yidhi“Boqol sannadood haddii ay gaadhayso qarankan la iibin maayo,haddii dhinto oo ka aan dhalay dhinto, oo uu kuu sii dhalay dhimanaayo,ilaa wax cad iyo meel cad, waa in aynu marka hore dawlad noqonaa,marka aad dawlada noqotid , waagii jabuut ayaa siyaad barre yidhi soo biira way iska garteen waa kuwaa maanta dawlada ah, ilaa Somaliland horta dawlada noqoto oo inanka reer Somaliland dawladnimadiisa dhadhamiyo oo la aqoonsado, hadhaw ama ha fasaxo ama meesh uu doono ha geeyo. Waxaan idiin sheegayaa halka aynu maanta marayno waa meel halis ah, waxa la doonayaa in la ina barro.Siyaasada Somaliland ganacsato ayaa wadda, haddii loo baahdo waanu cadaynaynaa, koox iyo ganacsato gaar ah oo kooban weliba.”Ayuu yidhi Siciid waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Maaha ganacsatada reer Somaliland oo dhan, oo dhaqaale uun iyadu hadafkeedu yahay ayaa hoggaaminaysa.
Waxaan leeyahay taana waa digniin aan aad uga digaayo shacbigaga aan jeclahay. Anigu waxaan leeyahay ilaahay tan ha inaga furfuro sannadkaa ilaahay nabadgelyo ha inagu dhaafiyo, waxaan leeyahay shacbiyow waad arkaysaan lix sanadood ayaynu maraynaa hoos uun baynu u soconaa.”
Sidoo kale, Xidhibaan Siciid Cilmi Rooble wuxuu aad u dhaliilay siyaasadda Wasiirka Arrimahadda Dibadda Somaliland “Xukuumadda in lala xisaabtamo weeye. Wasiir Sacad-na waxaan leeyahay waxa laga filaayay siyaasad cad oo aad ku hoggaaminaysid dalka oo siyaasada arimaha dibada ah, oo wadahaddalada khusaysa oo aad Baarlamaanka soo dhigtid oo la ansixiyo, lagama sugayn shaqadaada ugu horraysa inay noqoto in aad tidhaahdo waxaan samaynaynaa is dhexgal iyo isu safar.”Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble