Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Hadlay Nebi Muxammad (SCW) iyo Is-Beddelkii Uu Adduunka Ku Sameeyay DAAWO
Hargeysa,26Dec,2015(QJ/SDN)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), oo ka mida culimada waa-weyn ee Somaliland ayaa sheegay in dalalka ka hadlay dhibaatada haysata dalalka Muslimiinta oo uu sheegay inay horumuud u yihiin Hoggaamiyeyaasha dawladaha ka jira waddamada Islaamka oo uu sheegay inay astaanta ama shuruudda koowaad ee xulashada Masuuliyiinta ay magacaabaan yihiin inay noqdaan kuwo u guul-wadeeya iyaga oo odhanaya Hoggaamiye Hebel Habeenkii wuu Siraataa ama wuu iftiimaa.
Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Salaadda Jimce ee Maanta (Shalay)ka jeediyey Masjidka Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa oo uu Tujiyo, waxa kale oo uu ka hadlay Taariikhda iyo muhiimadda dhalashada Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.
Halkan Hoose Ka Daawo Khudbadda Sheekha: