|

Danjiraha Wakhtigiisu Dhamaaday Mr.Nickolas Kay Oo Xaflad Sagootin Ah Loogu Qabtay Magaalada Muqdisho Sawirro + Muuqaal

Muqdisho,26Dec,2015(QJ/SDN)-Waxaa maalinimadii Arbacada magaalada Muqdisho loogu qabtay xaflad sagootin ah ergayga la badalay ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Kay kaas oo lagu badalay ninka ay isku waddanka kasoo jeedaan ee danjire Keating.

Madaxda sare ee dowladda sida madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ka qeyb galay munaasabadda lagu sagootinayay Mr. Nicholas Kay, waxaana ay ka jeediyeen khudbado taariikh iyo mahadcelin isugu jirta.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in Mr. Nicholas Kay uu ceeldheer ka soo saaray Soomaaliya, iyagoona lagu xasuusan doono in uu xafiisyada Qaramada Midoobay usoo raray gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Nicholas Kay oo ugu danbeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo laabatay, dibna ay u laaban doonin mar dambe.

Waxa uu Mr. Kay intaas hadalkiisa uu sii raaciyay in nidaamka federalka ee ay Soomaaliya dooratay mustaqbalka uu xoojin doono midnimada, wadajirka iyo magaca Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Daawo Qaabkii Ay U Dhacday Xafladii Sagootinka Ahayd Ee Nick Kay: 

kayfinish1kayfinish13kayfinish12

Comments are closed