Ilmo Yar Oo Lagu Gowracay Gobolka Sool Ka Dibna Magaalada Hargeysa Ku Geeriyooday DAAWO
Laascaanood,26Dec,2015(QJ/SDN)-Deegaan lagu magacaabo Daba-taag oo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool u jira 48 KM ayaa waxaa la sheegayaa in toddobaadkan lagu gowracay oo dhaawac la gaadhsiiyay ilmo yar oo jira sadex sano.
Ilmahan ayaa reerkiisu waxa ay sheegeen in laga qaatay ardaaga gurigooda.
Maxamuud Yuusuf Xasan oo ah aabaha wiilkan dhalay ayaa idaacadda Codka Maraykanka Ee VOA u sheegay in wiilkiisu uu dhaawicii gowracaasi ka soo gaadhay ugu geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.
‘’Ilmihii markii hore waxa loosoo qaaday kala-baydh, kala-baydh waxay yidhaahdeen dhakhaatiirtii joogtay waxba kama qaban karno, laascaanood baa la geeyay , laascaanoodna waxa la yidhi dhakhaatiirtii joogtay waxay tidhi waxba kama qaban karno, Burcaa la geeyay, Burcana waxay tidhi waxba kama qaban karno, Berberaa la geeyay,Berberana waxay tidhi waxba kama qaban karno, Hargeysaa la geeyay wiilkii, Hargeysaana naftu kaga baxday ilmihii,..’’ ayuu yidhi Maxamuud Yuusuf Xasan Oo Ah Aabaha Wiilka yar dhalay.
Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in tiraba laba caruur ah horey loogu cunay deegaanka isla markaana dhiigga laga cabay.
Maxamuud waxa uu sheegay in Baadi goob ay ku jiraan dadka deegaanka sidii loo soo heli lahaa qofkii ka dambeeyey falkan, Balse illaa hadda ma jirto cid gacanta kusoo dhigtay dad-qalkaas tiraba saddexda caruurta ah cunay.
SoundCloud Halkan Hoose Kaga Dhagayso: