Xaaji Cabdi Waraabe Oo Dalka Dib Ugu Soo Noqday Isagoona Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad DAAWO
Hargeysa,25Dec,2015(QJ/SDN)-Oday Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo in muddo ah xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, isagoona ka warramay xaaladiisa caafimaad xaajigu.
Xaajigu waxa uu sheegay in uu aad u wanaagsanyahaya balse waxoogaa xanuun ah uu dareemayo, isagoona xusay in mudadii uu dalka Itoobiya joogay si fiican loo hayay.
Waxaana madaarka kaga hor tagay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dadawayne kale oo isugu jira dhalinyaro iyo waxgarad .
Warka Xaajiga Oo Muuqaal Ah Halkan Hoose Ka Daawo;