|

Murashaxa Madaxweyne ee Kulmiye iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Kulmiye oo Hindise ka Dhan ahaa Xirsi Xaaji Cali ula Tegay Saleebaan Gaal iyo Faro Madhnaan ay kala soo Noqdeen

Hargaysa 25.Dec 2015 (SDN/QJ):-Musharraxa Madaxweyne ee Xisbul-xaakimka Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa kullan la qaatay Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan maxamuud Aadan, kaaso ka dhacay aqalka Gudoomiyaha guurtida. Waxa Musharraxa Muuse ku wehelinayey Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Muj Maxamed Kaahin, waxana la sheegay inay ka dalbadeen inuu gacanka siiyo xadhig lala maagan yahay wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi oo xubinka ah xubnaha isbahaysiga Dimuquradiyad doonka Kulmiye.

download
Warar uu dhuun-daloola kullankaas ayaa tibaaxey, in Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi uu saleebaan gaal ula tagay inuu wax kala qabto saddeex arriimood oo uu ka codsaday. Kuwaasoo sida la sheegay kala ahaa sidan. “waxa uu saleeban gaal uga dacwooday inuu kasoo qabto wasiirkii hore ee madaxtooyadda Xirsi, kaasoo uu ka dalbaday inuu soo xidho. Sidoo kale, waxa uu ka codsaday inuu kala shaqeeyo sidii xisbiga uu dhaqaale ugala baadi dooni lahaa dawladda. Halka qodobka saddeexaadna lagu sheegay inuu taageero u muujiyo Musharraxnimadiisa, isla markaana kala shaqeeyo inuu wax kasoo dhaadhiciyo beesha uu kasoo jeedoā€¯.

Markii uu muuse Biixi madasha ka sheegay intaas. Waxa hadalka sida wararku sheegen qaatay Gudoomiyaha golaha guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) kaasoo ganafka ku dhuftay dhamaan saddexdii qodob ee uu ula tagay, kuwaasoo uu mid-mid uga jawaabay, isagoo dareen cadho lehina la socdo, waxanay u dhaceen sidan jawaabaha Oday Saleebaan. “Adeer hadii Oday Habar Jeclo ah aad iigu Timaadeen Maalinteedii lama Joogo,Idinku waad Shirteen Go’aano ayaad soo saarteen Waa Maxay Cabsida Idin haysa, Nin kastaa han leh inuu is Muujiyo Siyaasada ayaa faraysa”,

Geesta kale kullankan oo uu goob joog ka ahaa Muj Maxamed kaahin oo ah Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga Kulmiye ayaa arrintaas isna ka xummaaday waxana la sheegay inay kasoo baxen kullankaas iyadoonu mid-na ka kale la hadleyn.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata inuu Oday Saleebaan Nuur la safan yahay wasiirkii hore ee madaxtooyadda Xirsi X Cali oo ay cilaaqaad siyaasadeed lahaayeen. Waxana wararka laga helay sheegayan inuu la mawqif yahay oo uu kasoo horjeedo inuu madaxweyne siilaanyo ka tanaasulo xilka Musharranimada ee mustaqbalka

Comments are closed