|

Warbixin Documentary Cajiib Ah Oo Laga Diyaariyay Kalluumeysiga Sharci Darrada Ah Ee Badaha Dalka Soomaaliya DAAWO

Garoowe,25Dec,2015(QJ/SDN)-Badda Soomaaliya oo hodan ku ah khayraad faro badan oo uu ugu horreeyo Kalluunku ayaa waxa faro baas ku haya Maraakiib waawayn oo jidhiif ah kuwaas oo inta badan ka yimaada qaaradaha Yurub, Eeshiya iyo Qaybo ka mid ah Afrika.

Haddaba, iyadoo dhawaanahanba ay qaylo dhaan xooggani kasoo yeedhaysay kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa waxa haddana dib u bilawday weeraradii Budhcad badeeda Soomaalida, taas oo loo aanaynayo Kalluumeysiga sharci darrada ah badaha dalka Soomaaliya kusii baahaya.

Cilmi-baadhis  ay sannadkan sameysay hay’adda lagu magacaabo One Earth Future ee fadhigeedu yahay dalka maraykanka ayaa lagu ogaaday in sanad kasta laga xado badaha Soomaaliya kalluun qiyaas ahaan gaadhaya 132,000 oo Tan. Tiradaas oo saddex laab ka badan xaddiga kalluumeysatada maxalliga ahi ay jillaabtaan.

Dakhliga sannadlaha ah ee kasoo xarooda kalluumeysiga sharci darrada ahi wuxuu gaadhayaa $306 Million. Halka wax soosaarka kalluumeysatada soomaalidu dhanyahay $58 Million.

Warbixintan Documentary-ga ah oo uu diyaariyay Maxamed Salaad Xaaji Dirir oo ah wariye madax-bannaan oo degan magaalada Garoowe ayaa waxa uu ku iftiiminayaa cidda dhabta ah ee xaalufka badaha Soomaaliya ka danbeysa.

Haddaba, Warbixintan Qayb-tii Koowaad Halkan Hoose Ka Daawo;

Comments are closed