|

Wasaarada Maaliyadda Somaliland oo Gobolka Hawd Deeq Biyo ah Gaadhsiisay Iyo Sida Deegaamada loogu kala Qorsheeyay DAAWO

Hargaysa 25.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa deeq biyood oo gurmad ah gaadhsiisay Gobolka haw doo meelo ka mid ah ay ka jiraan biyo iyo baad la’aan.

Marwo zamzam Cabdi aadan wasiirka wasaaradda maaliyada ee JSL oo deeqdaasi biyaha ah ku wareejisay Xildhibaan Nacnac oo ka tirsan Golaha wakiilada JSL ayaa sharaxday goobaha loo qorsheeyey in biyahaasi la gaadhsiiyo

Dhankiisana Xildhibaan Axmed maxamed diiriye Nacnac oo wasiirada ka gudoomay deeqdaasi gurmadka biyood ah ayaa uga mahadcelieyey dadaalada wasaaradda maaliyaddu had iyo gooraale ugu jirto hawlaha gurmadka abaaraha ee Gobolada iyo degmooyinka dalka.

Comments are closed