|

Isbedelka Wakhtiga Iyo Ambassador Cawil oo Siilaanyo ku eedeeyay inuu ka Danbeeyay Dilkii Mujaahidiinta Aadan Shiine Iyo Cabdiqaadir Koosaar,Sheegayna in Mar uun Maxkamad la soo Taagi doono

Hargeysa 24.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wargayska Jamhuuriya ayaa faafiyey Shir Jaraa’id oo hilaadii 2005 uu qabtay Wasiirkii Maaliyada ee Wakhtigaas Ambassador Cawil Cali Ducaale oo Todobaadkan dhamaaday uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay La Taliyaha Madaxweynaha ee Citiraaf raadinta iyo wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

cawil
Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa shir jaraa’idkaas oo uu ku qabtay xafiiskiisa si kulul ugu weeraray Madaweynaha Haatan ee Somaliland oo Markaas ahaa Guddoomiyaha Xisbigii Mucaaradka ahaa ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxana Cawil ku eedeeyey Siilaanyo in uu ka dambeeyey dilalkii Muj. Aadan Sheekh Maxamed (Aadan-shiine) iyo Muj. Cabdiqaadir Koosaar, oo dilalkoodu ka dhaceen 1987kii magaalooyinka Jigjiga iyo Mustaxiil, ee dalka Itoobiya, iyaga oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii SNM, kana soo qabtay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka SNM. Mudane Cawil, waxa uu tilmaamay in ay hayaan warar sugan, sidaa daraadeedna ay u saarayaan Guddi baadha arrintaas maxkamadna la horgeyn doono. Waxa kale oo Md. Cawil uu sheegay in Col. Cabdillaahi Yuusuf ku dilay Itoobiya gudaheeda saraakiil dhawr ah oo ka tirsanaa ururkii SSDF. Ambassador Cawil, oo daba socday hadal uu Axmed Siilaanyo u jeediyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, oo uu ku yidhi; “Qofkii lagu tuhunsan yahay in uu ka qaybgalay xasuuqii shacbiga Somaliland in aan mansab siyaasadeed loo dhiibin.”

Waxana Wasiirku hadalkiisii ku bilaabay sidan: “Nin masuul ahi in uu waxaas ku hadlo ma aha, waa in uu gartaa doorashadii way dhammaatay, shan sanno waa berrito in aad sharaf mudan tahay, oo miisaan leedahay, oo dawladda dhaliisheeda si sharaf leh u sheegto, oo tallooyin siinayso, oo berrito haddii uu guulaysto ay iyaguna sidaas oo kale ula shaqeeyaan, iminka habkaa sii deji ma garanayo. Haddii dawladdii Maxamed Siyaad Barre [Soomaaliya] ayuu hebel ka shaqaynayey dembi tahay dawlad Soomaaliyeed bay ahayd, isaguba [Siilaanyo] saddex iyo toban (13) sannadood ayuu Wasiir ka ahaa, waa Wasiirkii ugu muddada dheeraa, markii la eryey buu SNM u shaqo tegay, xataa markii uu joogay isma casilin. Haddii ciddi dembi ka gashay ummadda runtaan isu sheegaynaa, xaqiiqdaanu taabsiinaynaa, waan ka leex-leexanay, waan ka xishoonay, dib dambe uga xishoon mayno. Haddii dembiile ummaddani leedahay dembiilaha koowaad waa Siilaanyo, dembiile kale ma jiro dalkan”.

 

“Warar sugan baanu haynaa in uu dilkii Cabdiqaadir Koosaar iyo Aadan-shiine ka dambeeyey, waxaanu haynaa in uu iska hortaagay in baadhitaan lagu sameeyo, waxaanu haynaa in uu Itoobiya u qoray waa arrin SNM u taalla ee yaan la soo farogelin. Ninka jecel in uu jiro Siilaanyo way dhibaysaa, laakiin run baan isu sheegaynaa. Cabdillaahi Yuusuf saraakiil buu dilay. Kornayl ilgiir, Gaaweyto, Abshir, Cabdiraxmaan Caydiid (Dhadhable) iyo Maxamed Xuseen, intaa marka uu marayo ayaa Mingiste [Madaxweynihii hore ee Itoobiya] baadhitaan sameeyey ay leeyihiin ninkaa ha la xidho, waxaas buu sameeyey, dunuubtaas buu galay, ninkii waa saaxiibkeen oo wuu innagu xidhanyahay, laakiin dunuub buu galay, saraakiil buu laayey gudahay ku tuureen, isaguna [Siilaanyo] waxa uu ka baqay in gudaha [Xabsiga] lagu tuuro”.

“Cabdillaahi Yuusuf fikirkaas ma helin. Dembiilaha koowaad ee ummaddani waa Siilaanyo. Ta labaad, lix sanno ayuu Guddoomiyaha SNM ahaa, Diri-dhaba ayuu fadhiyi jiray, qaadhaankii ummadda masaakiinta ah u soo ururin jirtay buu Diri-dhaba ku cunayey oo ku cabbayey, taasina waa dembi. 1988kii, Jabhadii [SNM] waa tii soo gashay dalka, London buu u cararay, waa dembi uu ummadda ka galay. Guddoomiyihii dhammaa halkii uu ummaddiisa dhex fadhiyi lahaa waxa uu u cararay London. Niman mujaahidiin ah oo aan dembi gelin, oo la yaqaanno, oo hebel iyo hebel ah buu xabsiga Harar ku riday, waa dembi uu ummaddan ka galay. Halgankii baa lagu jiray, dal baa la xorreynayay kuwii garbaha iyo baalasha kuu ahaa haddaad gudaha [xabsiga] ku tuurto oo xabsi Itoobiya leedahay u quudho, oo ay yihiin Kornaylo la wada garanayo, saamaxaadna muu weydiisan, waxay sheegeen in uu yidhi; isaamaxa,” iyaga oo xabsiga ku jira dagaalkii 1988kii, markii la galayey ay ku keliftay in uu soo saaro. Labada garab ee SNM, ninka sameeyey ee SHIISH iyo CALANCAS isaga [Siilaanyo] ayuu ahaa, nin aanan warsan ma jiro.

Labada garab-ba waxay yidhaahdeen isaga ayaa abuuray CALANCASTA iyo SHIISHTA, waa tii ina dabartay ee halgankii dhibtay ee aan dalka la soo galnay ee isku dilnay. Dembiile miyaanu ahayn ninkaasi [Siilaanyo]? Ta Cabdiqaadir Koosaar iyo Aadan-Shiine, Guddi baadhitaan ah ayaanu u samayn, waanu dabageli, wax badan baanu ka ogaan, haddii ay ku caddaato Lillaahi xabsiga ayaanu u taxaabaynaa. Cidna kaga habran mayno, waxkasta ha noqotee haddii ay ku caddaato oo uu lug ku lahaa oo wararka sii sugno, Guddigaas baa baadhi, iyaga ayaa mujaahidiintii wax weydiin, reerkii bay wax weydiin, beelihii ay ka socdeen bay wax weydiin, haddii ay ku caddaato maxkamad baanu geynaynaa. Markii laba beelood Saaxil [Berbera] isku dileen, rag odayaal ah baa u tegay oo beeshiisa ka socda oo ku yidhi labadaa reer ee Berbera isku haysta ee is dilaya aan heshiisiino, caguhuu dhulka ugu dhuftay, wuxuu ku yidhi; “La heshiisiin maayo labadaa beelood midna khayr ma laha ha isku dhammaadeen.” Ma ninkaas ayaa innaga doonaya inuu inoo taliyo, oo Madaxweyne dalka ka noqdo? ee weli waxaa ku hadlaya doorashadii oo laba bilood laga joogo. Bishii February 2003, bay ahayd markii aan u jawaabay ee aan idhi; “Siilaanyow MA [shahaado sare] baan haystaa naga daa CV-ga aad UN shaqo kaga raadsanayso ma aha ee. Dareen siyaasadeed baa la rabaa iyo maskax aad dalka ku hagayso qaar PHD haysta baa nala jooga, wax kale noo sheeg.” Edna [Wasiirka Arrimaha Dibadda] ha uga dego [Rayaale], Siraad [Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE] adigu [Siilaanyo] uga deg. Xasuuqa Waloweyn baa qaadatay, adduunkii baa aqbalay, dhabarkaynu u saarnay, waynu ku shaambadaynay, Xabaalihii Malko-durduro baynu tusnay, adigu ha innagu soo celin, waxaynu u rarnay dad aynu is hayno, oo col nahay, oo culayskooda qaadi kari waayey, adigu ha u khafiifin, haddii aanad dan kale lahayn ha u hiilin oo ha noqon Faysal baa rag laayey. Waa hadallada ay ku dacwoodaan Koonfurtu oo ay leeyihiin Malko-durduro dadka ku aasan ee ay dadka tusayaan waa lafihii Oromadii iyo dadkii kale ee Koonfurta ee ay laayeen, halkii ay ku aaseen, tii bay innagu shaabadaynaysaa oo UN-tu yidhaahdeen waxaanu soo diraynaa dad baadha lafahaas waqtigii ay ahaayeen 1981 – 1988.

Arrimaha qaarkood cadowga looma markhaati furo, yaanay odhanin Madaxweynaha ninka doonayaa waa kaa caddeeyey in ay iyagu is xasuuqeen. Dadkeennu waa dad masaakiin ah oo 60-kii ilduufay, maantana aan u baqayo in ay ilduuf kale galaan. Ninkaa [Siilaanyo] xisbigiisu aamusiin maayo oo kuwa cid u xigaa aamusiin maayaan Aadan Madoobe [Reerka Siilaanyo] aamusiiya haddaan garanayo waan la hadli lahaa, ma garanayo, illeyn qofka cid uun baa u naxdee. Xaaji Cabdi-waraabe, ayaa mar yidhi; “Labadii Madaxweyne ee Somaliland ka dhintay [Cigaal iyo Cabdiraxmaan-tuur] nin-na waxaan ka waayey waar adeer dadka la hadal oo wax u sheeg, midna adeer dadka ka aamus.” Ninka kaa naxaya uun baa kula taliya. Markaa ninka Siilaanyo ka naxayaa waa in uu yidhaahdaa Madaxweyne ayaad rabtaaye aamuska badso, cid ka naxda waa la waayey ilaa maanta Siilaanyo. Siilaanyo waa Soomaaliweyn “I know”, Nairobi baan joogay Gaalada waxa uu ku yidhaahdo iyo waxa ay ka ogyihiin waan ogahay, koonfurta [Soomaaliya] baan ogahay waxay Siilaanyo ka haystaan, kun Yaasiin bay akhriyi lahaayeen haddii uu guulaysto. Waxaan ogahay dawladdii SNM maalintii ay calanka taagtay ee dawlad dhistay mucaaradkii ugu horreeyey ee koowaad isaga ayuu ahaa. Yaxye Sheekh Ibraahim wuu noolyahay ayaa igu yidhi; “Waxaan ugu tegay Hoteelka MAAWEEL, waxaanan ku idhi inaadeeroow lix sannadood baad ahayd Guddoomiyaha SNM, ninkana [Cabdiraxmaan-tuur] adiga ayaa keenay, Madaxweyne ayuu noqday oo dawlad SNM ah, ee mucaaradka koowaad ha ku noqon, oo cid kale u *** .” Isaga ayaa ugu horreeyey, waxa uu ku khasbay Wasiiradii beeshiisa in ay ka wada baxaan dawladdaa, waa innagii is dilnay ee is nacnay, waayo, dawlad beeli ka baxday socon mayso. Waraaqihii uu Gaalada u qori jiray wuxuu ku odhan jiray dawladdaa yaan ictiraaf iyo mucaawino ha siinina. Dagaaladii sokeeye raggii xagga hore kaga jiray ee shidayey buu ahaa, intaas oo dembi ayaa u yaalla. Kaambayn Maanijarkii xisbigiisa KULMIYE, Maxamed-sifir, Xamar buu joogaa, yuu ka turjumayaa? Dee waa Siilaanyo. Siilaanyo nin aanu isaga dhoweyni ma jirin, laakiin nin baad mar aragtaa oo inta aad nooshahay aad ku dedaashaa in aanu ummadda Madaxweyne u noqon, arrin aniga iyo isaga na dhexmartay oo aan jeclahay in labadayada nala geeyo Masaajid oo aanu ku dhaarano baa jirta oo ah March 1977kii, buu ii yimi isaga oo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ah, aniguna Ambassador ayaan ka ahaa Nairobi, Kenya. Waanu sheekaysanay, waa markii uu bilaabmi doono dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya “Siilaanyo oo xumbaynaya baa igu yidhi dalka waa in la xoreeyaa, maanta fursad baynu leenahay, lix bilood raashinkii ciidamada waan hayaa, Afweyne waa fulay, waan ku tukhaantukhinayaa dagaalka.” Markii uu dhammaystay hadalkiisii waxaan ku idhi; “Maxamed Siyaad Barre waddani ma aha oo waad taqaanaa, dhawr iyo toban sannadood Wasiir baad u ahayd, beel buu rabaa in uu gudaha soo gashado oo Askar ka dhigto, bal adiga yaa kaa maqan?” Bishii August 1990kii, baa ii xigtay Siilaanyo araggiisa. Aniga oo fadhiya Hoteel London ku yaalla ayaa Axmed-Siilaanyo iyo nin la yidhaahdo Maxamed Sheekh Cismaan oo Wasiir ahaan jiray ii soo galeen abbaaro 5:30 galabnimo, waxaan weydiiyey Siilaanyo keenee saxnaa 1977kii hadalkii aynu is nidhi? … Maalintaas baan meel ku qoray Siilaanyo, axdi baan ku galay meel aan joogo in uu Madaxweyne ka noqdo, waayo, Madaxweyne kuma aammini karo. Doorashadii kadib, Salaasadii baan dhoofi lahaa, laakiin Khamiistii baa la ii yeedhay aniga oo u ololaynaya Maxamed Xaashi Cilmi iyo Sacad Sheekh Cismaan Nuur in ay Wasiiro noqdaan, markaan hubsaday saaxiibkay Siilaanyo in aanu Madaxweyne ummaddan u noqonayn muftaax baan noqday. Waan sii socday, waxay ahayd mission-kaygii oo fulay. March 2003, Buug saddexaad baan dhammeeyey, doorashadii baan kaga hadlayaa buuggaas jabtar culus buu Siilaanyo ku leeyahay, Marxuumkii Cigaal-na buuggiisii aniga oo aan soo saarin baa geeridiisii timi, meel baan iskaga riday, markaa waa in aan ka saaraa dhaliisha, maadaama uu dhintay, laakiin Siilaanyo wuu noolyahay. Siilaanyo, waa nin shareekhaad [Makiinad] sitay yaraantiisii, markaanu yaryarayn isaga oo loo wado Masaajid ku yaal Jabuuti in uu Mu’adin ka noqdo baa gaadhigii uu la socday Saylac istaagay, waxa halkaa ka helay Dubbe Cali-yare iyo Xaaji Cali Ducaale, oo ah Axmed-Keyse aabihii, xoog bay kaga soo dejiyeen, ninkii waday bay ka reebeen, Iskuul bayna ku dareen, markaa Siilaanyo halkaas uu ka bilaabay, wuxuuna ku koray guri aanu weligii lahayn oo uu inamo kale marti u yahay, oo uu inamadaa marwalba la dagaalamo, dagaalkii iyo asaraarkii buu weli ku jiraa, waana nin dagaal. Waxaan rajaynayaa Wargeysyadiina in uu maqlo, waxa jira rag Faysal [Maareeyaha Jamhuuriya] oo kale ah waxaan maqlay Wasiirka Warfaafinta ayuu ka dhigi lahaa, Faysal waa in uu yidhaahdaa Wasiir baan kuu noqon lahaa, shan sannadood waynu istaagaynaaye xisbiga inoo ilaali.”

Gebagebadii shirkaa jaraa’id su’aalihii ay weriyeyaashu weydiiyeen Wasiir Cawil, waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Wasiir, waxaad sheegtay in dilkii Mujaahid Aadan-Shiine iyo Mujaahid Cabdiqaadir Koosaar uu ka dambeeyey Axmed-Siilaanyo, wararka aanu haynaana way badan yihiin, markaa maxaad adigu caddayn u haysaa?
Jawaab: Waa in Guddi loo xilsaaro oo ay arrintaa gunteeda soo xaadhaan, mujaahidiinta SNM ayaanu annagu warkaanu hayno u gudbinaynaa, kadibna Guddiga ayey u taallaa waxa ka soo baxa baadhitaankaas.
S/ Maxaa ka jira wararka sheegaya in aad la kulantay Jariiddada AL-KHALIIJ oo aad u sheegtay in Koonfuri shirarkeeda dib-u-heshiisiinta ku qabsato Somaliland?

J/ Taasi waxay la mid tahay marka la leeyahay Madaxweyneyaal iyo siyaasiyiin sare ayaa dembi ka galay ummaddan, waar ma la isku dili karaa Faysaloow aniga oo masuul ah marka dembiile la igu sheego, oo aan Siilaanyo sidiisa u hadlo ee aan idhaahdo dad baa la xasuuqay.
XIGASHO JAMHUURIYA

Comments are closed