Yuusuf Garaad oo Miisaanka Saaray Nidaam Qabiileedka 4.5 ee Jaangoynta Xilalka Somalia
Muqdisho 24.Dec 2015 (SDN/QJ):-Siyaasi Yuusuf Garaad ayaa Sharaxaad ka Bixiyey Nidaam Qabiileedka Somalia ay Hogaaminta Golayaasheeda kala duwan ku qaybsato,Waxa uu Sheegay in Habka 4.5 lagu soo Caano maalay isla markaana lagaga soo Gudbay Marxalado adag,Waxaa kale oo uu Xusay in Nidaamkani uu kor u qaaday faafitaanka Qabyaalada.
Qoraalkan ayaa Isagoo dhamaystiran Wuxuu u dhignaa Sidan.
“Si kooban 4.5 waa nidaam qabiil, waa hayb, waa simid dad aan isla tiro ekeyn. Waa wax isugu darid dad aan isku degaan iyo fikir toona ahayn. Waa in aqoonyahanka iyo waxgaradku ay u martiyaan hoggaamiyayaal qabiil iyo inta biilkooda bixisa. Waa kala qeybinta ummadda. Waana dulmi in iyada oo aan la is tirin dadka qaarna loo qoondeeyo xubin buuxda qaarna la siiyo bar.
Colaadda iyo dib-u-dhaca waxa keenay waxaa ka mid ah qabyaalad oo qabiilku sal u yahay. Nidaamka 4.5 ee qabiil wax ku qeybsiguna wuxuu dadka markinayaa in ay qabiil ka fekeraan, ku fekeraan, una fekeraan. Sidoo kale wuxuu barayaa in ay qabiil ka hadlaan, ku hadlaan, una hadlaan.
Waxaas marka la isu geeyo waxay qofka si sahlan cagaha ugu gelinayaan qabyaalad oo ah hooyada amni darrada iyo dib u dhaca isla markaasna ku shaqeysa dhaqan lid ku ah sharci iyo kala dambeyn.
Waa nidaam ku dhisan hayb qabiil kaas oo bulshada ku hagi kara, weliba si socod boob ah, dhabbe aan u socon jihada Qarannimada iyo Dowladnimada ay naga jiraan.
Waa nidaam suurta geliyay in qof aan la soo dooran, cid uu wakiil ka yahayna aanay jirin uu siyaasadda xishood la’aan dhex iyo hor boodo una dhaqmo sidii in dalku uu ku socon karo tijaabo iyo ra’yi keliya. Taasi waa kuwa is leh dalku hore ha u socdo. Laakiin 4.5 siyaasiyiinta uu soo saaray waxaa ka mid ah qaar aan ogeyn in la rabo in dalku hore u tallaabsado ama aan dan ka lahayn.
Waa nidaamka keenay in hoggaamiyayaasha dhaqanka oo ahaa astaan u taagan sharaf iyo xushmad dhaqan ay heybaddoodu dhaawacanto ka dib markii siyaasiyiin kursi doon ah iyo gacansato gurracan ay laaluush ku fidneeyeen oo ku hafiyeen, markaasna ay ku kallifeen eex iyo been. Hoggaamiyayaasha dhaqanka qaarkood maanyta wey og yihiin in la og yahay waxa ay faleen.
Nidaamkan 4.5 oo la filayay in uu ku ekaado kuraasta siyaasadda, waxaad arkeysaa in shaqaalaha dowladda iyo waliba shaqooyinka xirfadlayaasha aad mooddo in la soo dhex gelinayo. Taas oo dhaawac weyn u geysaneysa in ay howli u qabsoonto si ku dhisan xirfad iyo farsamo.
Waa nidaam musuqmaasuq, dulmi iyo duudsi u saaxiib ah.
Waxa uu soo kordhiyay 4.5
Markii ay burburtay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya horraantii 1991, intii ka dambeysay waxaa Soomaalida loo qabtay shirar fara badan oo la isku dayay in Dowlad lagu dhiso. Waxaa la isugu yimid Djibouti 1 iyo 2, Addis Ababa oo dhowr jeer ah, waxaa la tegey Qaahira iyo magaalooyin kale. Waxaa la qabtay ama la isku dayay shirar Muqdisho iyo Boosaaso. Shirarkaas qaar ma qabsoomin, inta kalena weyb soo saari kari waayeen Dowlad Soomaaliyeed.
Inkasta oo wakhtigu uu qeyb ka qaatay, haddana nidaamka keliya ee suurta geliyay Baarlamaan Soomaaliyeed oo dhaliil ha jirto laakiin la aqbalay, waa nidaamka 4.5 ee hadda aan haysanno.
Wuxuu suurta geliyay in Baarlamaan uu ku dhismo Carta, Djibouti sannadkii 2000.
Ma ahan keliya in uu dhismo ee nidaamka 4.5 wuxuu suurta geliyay in Baarlamaankeennu uu qaangaaro oo 15 jirsado iyada oo aan wax hakad ama kala go’ ahi soo dhex gelin Dowladnimada.
Waa nidaam ku dhisan in afarta qabiil ee waaweyn ee uu Soomaali u qeybanayo, oo ah kuwii xilliyo iyo sababo kala duwan hubka u qaatay, ay aqbaleen in aanay jirin cid adkaatay oo u yeerin karta inta kale, oo ay tahay in si siman ay wax u qeybsadaan. Nidaamkani waxaa kale oo uu suurta geliyay in qabaa’ilka aan hubka qaadan ay wakiillo ku lahaadaan labada Gole ee Sharci-dejinta iyo Fulinta. Inkasta oo kuraasta qabaa’ilkani ay nus tahay, haddana nidaamku wuxuu xaqiijinayaa in aan iyaga laga tegi karin.
4.5 wuxuu xaqiijiyay in xildhibaannada Baarlamaanka isku si loo soo xulo oo aan midna mid kale u sheegan karin awood sharciyeed uu dheer yahay.
Nidaamkani wuxuu isku hayaa midnimada Soomaaliyeed. Waxaan ula jeeda in Somaliland, dhulka uu Shabaab haysto, Gobol aan Dowladdu gaarin iyo magaalo kasta oo Soomaaliya ka mid ah in mid kasta ay Baarlamaanka fadhiyaan dad ka soo jeeda degaankaas. Taas oo marka aan hoos loo sii fiirin aad mooddo in Baarlamaanku si dhab ah u metelo Gobollada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya oo dhan.
Wuxuu sahlayaa in la illaawo xad gudubyadii dagaalkii sokeeye la isu geystay maaddaama isku cod la yahay.
Nidaamka 4.5 ma ahan mid loogu talo galay in uu dalkaan nidaam u ahaado weligii. Wuxuu ahaa nidaam ku-meel-gaar ah oo loogu talo galay in marxlad markaas taagnayd oo ahayd dagaal sokeeye iyo Dowlad la’aan looga gudbo. Waa lagu soo caano-maalay in ka badan 15 sano.
Waxay ahayd 4.5 in looga gudbo qof iyo cod oo ah hannaan Dimuqraaddiyadeed. Taas waa la suurta gelin waayay. Hababka la soo jeediyay in loo gudbo ayaa waxaa ka mid ah in Degmooyinka dalka, iyaga oo aan dadkooda la tirin la siiyo kuraas Baarlamaan oo isla tira eg oo sidaas lagu soo xulo Xildhibaannada. Nidaamkaas la soo jeediyay muxuu soo kordhin karaa muxuuse dhimi karaa? Waa su’aasha aan uga jawaabi doono qormadeyda tan xigta haddii Rabbi idmo.