|

Shaki ka Dhashay Gudi Wasiiro ah oo Madaxweyne Siilaanyo u Xilsaaray Isu Socodka Somaliland Iyo Somalia Iyo Dareenka Bulshada DAAWO

Hargaysa 24.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Shacabka Somaliland ayaa shalay ku baraarugay shir ay Hargeysa ku qabsadeen guddi wasiiro ah oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay wax loogu yeedhay  isu socodka labada wadan ee Somaliland iyo Somaliya.

gudida isu socodka somaliland iyo somalia
Guddigan oo aan la ogayn wakhti la magacaabay iyo goob uu madaxweynuhu ku magacaabay toona, ayaa lagu war helay warsaxaafadeed ay ka soo saareen kulan ay shalay ku yeesheen xarunta wasaaradda duulista iyo hawada. Wasiirka duulista iyo hawada Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, ayaa sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradiisa, wuxuu markii uu shirku dhammaaday yidhi “Waxaanu shir  kulahayn Wasaaradda Duulista iyo hawda, hadii aanu nahay Gudi uu dhawaan u Magcaabay , Madaxweynuhu isu socdaka Labada wadan ee Somaliya iyo Somaliland, shirkan oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Dr: Sacad Cali Shire, Wasiirkii Wasaaradda Dib u Dajinta Cali Siciid Raygal, Wasiirkii Wasaaradda Arimaha Gudaha Cali Maxamed WaranCade, uu joogo Wasiirka Caafimaadka Dr: Saleeban Xagla toosiye, iyo Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah gudigan ayaanay u suuro galin maanta in ay noo yimaadaan.”

Wasiirka duulista oo sii sharaxaya waxyaabihii ay ka wada hadleen wuxuu yidhi “waxaanu ka wada hadalnay sidii isu socodku u wanaagsanaan lahaa, haday Ganacsi tahay iyo haday socdaalada tahayba, Amaanka iyo Nabadgalyadana loo sugi lahaa, arintaa qodobo ayaanu ka soo gaadhnay, qodobadaasna waxaanu u gudbin doonaa, Madaxweynaha J/S/L Mudane  Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo). Shirkan Gudigii uu Magcaabay Madaxweynuhu si fiican ayuu ku dhamaaday, Wasiirka Gudoominayey iyo Wasiirada kaleba aad ayaan ugu mahad naqayaa, in laga hadlo isu socodka labada Wadan, waxaa keenay Nabadgalyada iyo duruufaha jira, waxaanu jecelahay in ay labadaas Dal noqdaan laba Dal oo kala madaxbanaan, oo isu socodkoodu fiican yahay, umadahooduna ay yihiin laba Shacab oo walaalo ah, Nabadgalyaduna ay noqoto mid la adkeeyo, oo aynu ahaano Somaliland iyo Somaliya xidhiidhkaasina sidaa uu  ku koro.”

Dareenka bulshada

Waxa ay bulshada Somaliland markii ay warkan iyo guddigan maqashay  isweydiisay sababta keentay magacaabista guddigan iyo weliba baahida lagu saleeyay in wakhti xaadirkan laga wada hadlo isu socodka Somaliland iyo Somaliya.

axa ay shacabka Somaliland sidoo kale isweydiinayaan sababta si cad loogu baahin waayay guddigan uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay oo aan la ogayn wakhti la magacaabay, iyadoo guddi kasta oo uu Madaxweynuhu magacaabo la baahiyo. Intaas waxa dheer guddigan oo ah guddi xaasaasi ah marka la eego mawduuca laga hadlayo sababta taladeeda loo badsan waayay ee loogu koobay golaha wasiirada oo keliya maadaama oo ujeedada loo aasaasay tahay dan guud oo umadeed. Su’aalahan oo dhan ayaa ah kuwo ay bulshadu ku falanqaysay dareen tuke.

Doonista Somaliya

Waxa kale oo jirta in dawladda Somaliya ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay sidii loo fududayn lahaa isu socodka labada dal. Raysalwasaare-xigeenka dawladda Somaliya Maxamed Cumar Carte oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa dhawaan ku baaqay in la fududeeyo isu socodka labada shacab oo ay siyaasiyiintu ku jirtaan, waxaanuMr. Carte oo arrintaas ka hadlayaa yidhi   “Waa waxyaabaha loo baahanyahay in laga wada hadlo, haddii wada hadalku si fiican u socdo, heshiis badan ayaa la geli karayaa, xataa sharciga ay Somaliland ku diido siyaasiyiinta Somaliland ku abtirsanayaa inaanay tagi karin dalkii xal waa loo heli karayaa waxase ka horeeya in laga wada hadlo, waxan oo dhana waxa aasaas u ah in la xoojiyo wada hadalka, taas ayaanay shacabka dani ugu jirtaa waayo, waxa laga hadlayaa waa adeega bulshada isu socodka haday tahay iyo basaborka, maanta waad ogtahay inaan basaborka Somaliland meelo badan lagu tagi karin, halkii Hargeysa Basaborka Somaliya laga bixin lahaa ayaa ama Garowe ama Muqdisho loo tagayaa dhibaato badan ayay ku haysaa. Markaas inaan runta taabano ayaa la rabaa oo laga wada hadalo isu socodka oo shacabka halkii ay Burco ama Berbera ka heli lahaayeen inaan meel kale loo tagin, markas waxaan rabnaa in la bedelo oo dadkii loo ogolaado.”

Gunaanad

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay umadu dooratay ayaa looga fadhiyaa inuu shacabkiisa uga jawaabo su’aalahaas kana shaafiyo dareenka ka dhalan kara guddigan. Waxa kale oo Madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyaa inuu muujiyo dareen feejigan oo dheeri ah, marka uu dhex galayo mawaadiic xaasaasi ah sidan tan oo kale.

Comments are closed