|

Xisbiga WADDANI Oo Bilaabay Taageero Raadis Qabyaaladaysan iyo Saadaasha Firxadka Xubnaha Ku Hadhay

Somaliland waxay nidaammka xisbiyada badan u qaatay in lagula dalaamo qabyaalada iyo nin jacelaysiga, laakiin waxaad moodaa inay xisbiyo badanni ay taas mooganyihiin oo ay u haystaan guri ay leeyihiin waxa taas markhaati ka ah sidaynu ka aragnay xisbiyada qaar sida xisbiga waddani oo ah xisbi ku sifoobay qabyaalada,eex iyo ruux jecalysi.

Haddaba waxaa taas ina tusaya arrimo badan oo maalin walba ka dhaca gudaha xisbiga oo badanaa bulshada ka qarsoon.

Waxa jiray shir ka dhacay Hotel Dalxiis bishii 11-aad aakhirkeedii kaas oo lala shirayey dhalinyarada koonfurta,barriga iyo badhtamaha Hargeysa. Shirkaas oo halkii laga filayey inuu gudoomiye Cirro iyo xisbigiisuba la yimaadaan wax ay kaga duwan yihiin xisbiyada kale balse taas bedelkeeda  ku tiraabay ereyo ku salaysan qabyaalad iyo inagaa is xigna ee aynu kursiga ku fuulno isbahaysi qabyaaladaysan.

Waxaa kale oo dhacay shir ka dhacay Hotel Himilo oo uu soo abaabulay xisbiga waddani waxaana shirkaas lagu casuumay ururka ganacsatada ee barkhadle, kaasoo sidii caadada u ahayd inay kusoo jiitaan qabyaalad isku dayey. isla markaan  dhalinyaradii ka diideen inay ku taageeraan  qabyaalad.

Waxaa kale oo jiray, shirar iyo kullamo albaabadu u xidhanyihiin oo dhex maray gudoomiye Cirro iyo saddex xubnood oo ay isku beelyihiin oo kala ah; Dr.Gaboose, Ina Sulub iyo Maxamed Caraale Duur oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu culus xisbiga kuwaas oo ay gudoomiyahana isku beel yihiin  oo kawada hadlayey qorshe siyaasi beelaysan oo loola tago beesha koonfurtu,barriga iyo badhtamaha Hargeysa (Beelwaynta Cidagale) ,falaqayn dheer kadibna Dr.Gaboose  ayaa yidhi anigu waxaan ahaa Kulmiye ,oo waa la ogaa codkii iyo guushii aan usoo hooyey, adiguna Duuroow waxaad ahayd KULMIYE, Siciid Sulub wuxuu ahaa UDUB, Cirrona UCID buu ahaa , waxaan ka cod badan Kulmiye degmadii Cirro iyo Duur.

Markaa Dr.Gaboose ayaa yidhi madaama saddexdeenuba sidaas aynu nahay, maxaynu la hor tagnaa beesha koonfurta,badhtamaha iyo bariga Hargeysa (Beelwaynta Cidagale,)?. Haddaba waa in loo diraa siyaaasiyiin kale, aakhirkiina waa lagu kala kacay shirkaas.

Waxa kaloo la yaab ah in  xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa  oo ah  afhayeenka xisbiga WADDANI oo in badana xisbiga usoo halgamay , ayaa waxaa jirtay in khilaaf soo dhex galay isaga iyo Cirro kaas oo ku salaysan in xilka afhayeenimo in laga qaado ,kaas oo Ibraahim-na gaashaanka uu ku dhuftay,  kadib markii uu guddiga Musdanbeedka u ah Waddani soo jeediyeen  gumoomiyuhuna ku raacay.

Waana xubinta kaliya ee kaga jirta beesha koonfurta Hargeysa, madaama oo uu shaqasiga kaliya ugu cadcad ee beesha koonfurta Hargeysa ee kaga jirta gudiga fulinta  sidaas loola dhaqmayo  gudoomiye Cirro sidaas uu raalli kaga yahay, maxaa uu u haya beesha inteeda kale haddii uu xubnihii ku jirayba sidaas loola dhaqmayo?. Se maxaa laga filayaa haddii  uu hogaamiye waddankan u noqdo?

Lasoco Qaybaha Danbe…………………

Maxamuud Xassan 

Hargeysa,Somaliland

Ninadag333@gmail.com

Comments are closed