|

Warbixin Shaaca Ka Qaadey In Dowladda Soomaaliya Joojisay Shir Maalgashiga Dekadda Berbera Looga Hadli Lahaa

  • Jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya oo lagu maalgelinayo lacag dayn ah oo dhan $275 milyan iyo waqtiga la saxeexayo maalgashiga dekedda
  • Isbarbardhiga tirada koontiinarada ka gudba dekedaha Jabuuti iyo Berbera sannadkii
  • Itoobiya oo badeecadaha dibadda uga yimaada 5% kala soo degta Berebra iyo qorshe arrintaas lagu kordhinayo oo la hiigsanayo

Berbera,24Dec,2015(QJ/SDN)- Warbixin saxaafadeed heer caalami ah, ayaa lagu shaaciyey in dawladda Soomaaliya joojisay shir lagaga hadli lahaa maalgashiga Somaliland, gaar ahaan dekedda magaalada Berbera, kaasoo ka qabsoomi lahaa dalka Kenya sannadkii hore ee 2014.

Haseyeeshee, sida lagu daabacay wargeys luuqadda Faransiiska ah oo la yidhaa Le Monde, kana soo baxa magaalada Paris ee waddanka Faransiiska toddobaadkan oo Jamhuuriya soo xigtay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa caddeeyey in xukuumaddu saxeexi doono heshiiska maalgashiga iyo casriyeynta Dekedda Berbera badhtamaha sannadka foodda innagu haya ee 2016, isagoo aan magacaabin shirkadda ay la saxeexan doonaan heshiiskaas.

Sida lagu sheegay warbixinta lagu daabacay wargeyska Le Monde maalintii Salaasada, maalgashadayaal caalami ah ayaa olole ugu jira helista xaqa iyo sharci ay ku dhisaan, kuna ballaadhiyaan Dekedda Berbera, halka sidoo kale ay jiraan shirkado caalami ah oo doonaya in lagu wareejiyo maamulka dekedda, waxana ka mid ahl shirkadda laga leeyahay Faransiiska ee Bollore Africa Logistics iyo mid ka diwaangashan dalka Imaaraadka Carabta oo magaceedu yahay Dubai Ports World Group.

Dhinaca kale, dalalka Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha horumarinta waddada isku xidha Berbera iyo Addis-Ababa dhammaadka sannadkii 2014, kaasoo ay maalgelintiisa bixinayaan Midowga Yurub oo daraasad qiimayn ah ku sameeyey baahiyaha jidkaas, kuwaasoo soo saaray warbixin ka kooban 27 bog oo lagu muujiyey in waddada Berbera u baahan tahay dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaadhan.

“Ma aannu garanayn sida hab sax ah qiimayn loogu sameeyo baahida mashruuc isku dhafan oo culus. Waxa sidoo kale nagu adkaatay in aannu helno taageero farsamo oo dhinaca dibadda nagaga timaad.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo wargeysku soo xigtay.

Waxa kaloo warbixintu xustay in lacag dayn ah oo xaddigeedu dhan yahay 275 milyan oo doollar Midowga Yurub ku bixinayo maalgelinta dib-u-habaynta jidka isku xidha Berbera iyo Addis Ababa (Berbera Corridor), lacagtaas oo ku dhow miisaaniyadda guud ee dawladda Somaliland ku shaqayn doonto sannadka 2016 oo noqonaysa $295,280,174 (laba boqol, sagaashan iyo shan milyan, laba boqol siddeetan kun, boqol, afar iyo toddobaatan doollar), balse ilaa hadda lama dhaqaajin mashruuca lagu maalgelinayo waddada Berbera ku xidhaya Itoobiya, iyadoo su’aashu tahay sidee ayey Somaliland oo aan la aqoonsan u heli kartaa dayntaas xad-dhaafka ah?

Wargeyska Faransiiska, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu baaqday shir qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku ku yeelan lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya sannadkii 2014, kaasoo lagaga hadli lahaa maalgashiga dekedda Berbera, kadib markii cadaadis xoogan kaga yimi dhinaca dowladda Soomaaliya, taas oo inta badan ku doodda in dhulka Somaliland ay iyadu maamusho oo ay gacanta ku hayso maamulkiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo la weydiiyey su’aal ahayd; “haddii dowladda Muqdisho leeyihiin awood ay ku joojiyaan shir lagaga arrinsanayo dekedda Berbera maxay noqon doontaa saxeexa heshiis ballaadhan oo lagu maalgelinayo dekedda? Waxa uu ku jawaabay; “Waa suurtogal in (dawladda Soomaaliya) isku daydo inuu farogelin sameeyo, laakiin sharci ahaan waxa aannu ku xidhannahay dalal kala duwan ama shirkado shisheeye… Markaa saamiga heshiiska maalgashi iyo casriyeynta dekedda Berbera waxa la saxeexi doonaa badhtamaha sannadka 2016.”

Dhinaca kale, Maareeyaha Dekedda Berbera Mr. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa isaguna wargeyska Le Monde u sheegay inay doonayaan sidii loo ballaadhin lahaa dekedda, korna loogu qaadi lahaa xajmigeeda, waxaannu yidhi; “Waxa aanu doonaynaa in deked ka wayn sida ay hadda tahay, ganacsi badanna la yeelata Itoobiya iyo degaannada Soomaalida ee aannu deriska nahay. Waxa kaloo aannu doonaynaa inay yeelato dhul xor u ah ganacsiga iyo maalgashiga (free zones). Muhiimadda dekeddani waa mid weyn oo isku xidha mandaqadda Geeska Afrika iyo dunida inteeda kale.”

Dekedda magaalada Jabuuti, waxa sannadkii ka gudba 750 kun koontiinar, halka ay sidoo kale Berbera maraan 32 kun koontiinar, iyadoo inta badan Marsada Berbera laga dhoofiyo xoolaha nool, sida geela, adhiga iyo lo’da.

Maareeye Xoor-xoor, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay tartan xoogan ula geli lahaayeen dekedaha dalka Jabuuti, “Maxaan loola tartami karin Jabuuti? Waannu la tartami doonnaa.”

Sidoo kale, warbixinta wargeysku daabacay waxa lagu sheegay in dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin dadweyne tiradoodu ka badan 94 milyan oo qof hadda doonayaan in waxyaabaha ay dibadaha ka soo iibsadaan kala soo degaan dekedda Berbera qiyaastii 30%, halka ay hadda dekedaha kala soo degaan 5% keliya.

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

Comments are closed