Shirkadaha Isgaarsiinta ee Telesom iyo Somcable iyo doorka ay ku leeyihiin khilaafka madaxda xisbiga UCID
Hargeysa Dec 23,2015(SDN/QJ)-Shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland ee Telesom iyo Somcable oo xurguftan ganacsi uu ka dhexeeyo ayaa loolankoodu ka soo dhexmuuqday xurgufta siyaasadeed ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Shirkadahan oo ku loolamaya isgaarsiinta ayaa danahooda ganacsi ka dhex ka arkay cida u hari doonta xisbiga UCID khilaafka dabadii.
Mulkiileyaasha shirkadaha Telesom iyo Somcable Ayaa kolba ka hanta Guddoomiyaha xisbiga UCID la loodin doonin marka dib uu u soo noolaado loolankooda hanashada suuga isgaarsiinta Somaliland.
Madaxweyneyaashii isaga danbeeyay talada Somaliland ayaa Shirkada Somcable kooto ugu xidhay keenista aalada Internet-ka Somaliland.
Halka Shirkada Telesom oo ah ta ugu tunka weyn isgaarsiinta Somaliland ay arinkaa ku gacan seydhay.
Guddoomiyaha haatan ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn uga soo horjeestay kootada Somcable isla markaana gacan mug leh u fidiyay Telesom.
Iminkase waxa muuqata in mulkiilaha Somcable Ina Aw Siciid ay isku wanaagsan yihiin Guddoomiyaha UCID taas oo sababtay loolankan cusub ee labada shirkadood.
Hadaba haatan iyo khilaafka UCID, ilo wareedyo u dhuun daloola khilaafka UCID ayaa inoo xaqiijiyay in labada shirkadood ee Somcable iyo Telesom labaduba dhuumasho dhabarku muuqdo ay taagro aduun iyo mid siyaasadeedba ku siinayaan Guddoomiyahay UCID Faysal Cali Waraabe damaciisa dib isu soo sharixida xilka madaxweyne.
Shirkadahan Isgaarsiinta ayaan isweydiin saameynta ay ganacsigooda ku yeelan kareyso hadii ay macaamiishoodu ka fal celiyaan faro gelintooda khilaafka xisbiga UCID.
Si kastaba ha ahaatee ku milanka shirkadaha Telesom iyo Somcable ee khilaafka siyaasadeed ee UCID waxa ay sabab u noqon kareysaa bilow fool xun is-dhexqaadka siyaasada iyo ganacsiga Somaliland.
SDN/QJ-Hargeysa