|

Safiirka isbaheysiga mucaaridka Jabuuti (USN) ee dalka Canada oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay shaqaaqadii Belbela

Ottawa Dec 23,2015(SDN/QJ)-Safiirka dalalda mucaaridka Jaabuuti (USN) ee dalka Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole ayaa mar aanu la xiriirnay waxa uu ka waramay dhacdadii ay 19ka ruux ku dhinteen isla markaana ay ku dhawaad boqolka ku dhaawacmeen ee ka dhacday magaalada Belbela.

“Waxaan marka hore halkan tacsi u dirayaa dhamaan ehelka, qaraabada iyo shacab ka Jabuuti dadkii inooga dhintay iska hor imaadkii ka dhacay magaalada Belbela, marka xigta waxaan eebe uga baryayaa in caafimaad taam ah uu siiyo intii ku dhaawacantay.” ayuu yiri Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole.

Safiirku kiiyoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri “Waxaan halkan ummadda reer Jabuuti uGu baaqayaa in ay ku faro adeygno nabada iyo rabitaanka nidaam dimuqraadiyadeed oo xalaal ah, sidoo kalena qaranka la bedbaadiyo, waxaan madaxda Jabuuti ee mucaaridka iyo muxaafidkaba leh ay dib u furaan wadahadaladii labada dhan u dhexeeyay si loo helo nidaam dawladeed oo loo siman yahay”.

Baaqan uu Safiirka USN u diray shacabka iyo madaxda Jabuut ayaa imanaya maalin uun ka dib kolkii ciidamada Jabuuti iyo shacab tacsi joogay oo isku ay sababtay dhimasho iyo dhaawac tiro badan magaalada Belbela.

SDN/QJ-Ottawa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed