Abaanduulihii Hore ee Ciidamada Qaranka Somaliland oo Hargaysa Lagu Aasay Galabta,Taariikh Nololeedkiisa Iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal u diray DAAWO
Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ku waxa uu tacsi u dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable) oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti Galabtana lagu aasay Magaalada Hargaysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay hogaamiye ciidan oo door muhiima ku lahaa, dib u dhiska iyo qaramaynta ciidamada Qaranka, intii uu ahaa Abbaanduulaha Ciidankana uu ahaa shaqsi ku sifoobay hawl karnimo iyo dedaal ciidanimo.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taas la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Ciidanka Qaranka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtiina uuka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka.
Dhanka Kalena Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa,iyo Ka Ciidan weynaha qaranka somaliland Waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii,qaraabadii Iyo Ciidanka qaranka ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidamada Qaranka Somaliland Marxuun Ibraahin Caydiid Axmed “Dhab dhable” Isagoo eebbe uga baryay inuu Marxuunka naxariistiisii jano ka waraabiyo Qoyskii,Qaraabadii Iyo Ciidamada qaranka ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo
Taariikhda Marxuum Ibraahin Caydiid Dhabdhable, Rabbi ha u naxariistee waxa uu ku dhashay magaalada Buuhoodle sannadkii 1950 kii, waxaanu Waxbarashada hoose ka bilaabay gobolka togdheer ee burco isagoo waxbarshadiisii dhexena ka galay dugsi borden ah oo laascaanood ku yaala, halka dugsigiisii sarena uu shiikh ku qaatay.
Marxuumku waxa uu Ciidammadii Xooga dalka Soomaaliyeed ku biiray 1973-kii, isagoo ka mid noqday Dhalinyaradii Akaademiga ahayd ee tabobbarka loogu qaaday waddanka Ruushka, isagoo markii uu ka soo laabtay ka mid noqday Saraakiishii Xidhiglayaasha lagu qaatay.
Marxuumka ayaa tabobbarkiisa Ciidan ahaa Ciidanka Lugta Soomaaliya, ka dib Marxuumka Derajadiisa Dallacaadeed ee Ciidan, ayaa halkaas ka bilaabatay illaa uu ka gaadhay Gaashaanle Sare, Col. Ibraahin Caydiid koorso dibedeed oo danbe ma uu qaadan. Hase-ahaatee, wuxuu koorsooyin ugu xerooday Kulliyadii Axmed-Guray ee Saraaakiisha gaarka u ahayd.
Col Ibraahin Caydiid, waxa uu xilligii dawladdii Soomaaliyeed ka mid ahaa Saraakiisha markasta Ciidan gacanta ku hayey isagoo sida Saraakiishii ay isku waqtiga ahaayeen noo caddeeyeen xilalkiisa Ciidan ee uu soo maray uu ka soo qabtay dhammaan gobollada Waqooyi, waxaanu ka gaadhay Taliye Gaas kaasoo ahaa Gaaskii 3-aad ee dawladdii Soomaaliyeed ee Burco degganaa, halkaas oo ay ugu dhacday dawladdaasi isagoo xilkaa u haya.
Col. Ibraahin Caydiid, waxaa uu ka soo jeeday qoys Ciidan isagoo Aabbihii Caydiid Dhabdhable, ahaa Askari ka tirsan dawladdii Ingiriiska, waxaanay Ciidammada kaga mid noqdeen isaga iyo laba kale oo dhammaantood gaadhay Ful ama Cornayl buuxa, waxaanay kala ahaayeen Cabdiraxmaan Caydiid Dhabdhable oo ahaa Ninkii la aasaasay Jabhaddii SSDF Cabdillaahi Yuusuf ahaana halbawlihii Jabhaddaa isagoo shirqool loogu dilay magaaalada Diridhaba geeridiisuna xusuus ku reebtay cid kasta oo aqoon u lahayd, waxaa kale oo isaguna darajada ka gaadhay cornayl cabdilaahi caydiid dhabdhable oo isagu ka tirsanaa ciidamada booliska dawladuna ugu dhacday isagoo taliye ka ah gobollada Bariga.
Allaah ha u naxariisto ee Marxuum Colnayl Ibraahin Caydiid Dhabdhable, waxa uu Ifka kaga tegay Afar Carruur ah oo saddex ka mid ahi Wiilal yihiin iyo hal Gabadh. Waxaanannu Taariikhda Marxuumka oo dhammaystiran idiinku soo gudbin doonnaa hadii Illaahay yidhaahdo Qoraalladeenna dambe, ee Shabakada Qurbejoog kala socda Taariikhdaas Marxuumka ee aannu idiinku soo gudbin doonno.
Dhanka Kale Maydka Marxuunka oo Diyaarad lagaga soo qaaday Magaalada Jabuuti oo uu ku Geeriyooday ayaa Galabta laga soo dejiyay Madaarka Cigaal Waxaana aas qaran oo Kulmiyey Haldoorka Bulshada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan loogu sameeyay Magaalada Hargaysa.