Hogaanka Dhaqanka ee Gobolada Sool Iyo Buuhoodle oo Baaq Nabadeed ah u Diray Laba Beelood oo Dagaal ku Dhex Maray Deegaanka Balli Xasan ee Degmada Gaashaamo Kana Dalbaday inay Xabada Joojiyaan DAAWO
Laascaanood, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Garaadada Gobolada Sool, iyo Buuhoodle ayaa maanta baaq nabadeed u diray labadii beelood ee dhowaan dhibku ku dhexmaray Deegaanka Balli-Xasan ee Degmada gaashaamood ee Dawlad deegaanka soomaalida itoobiya.
Isku dhaca dhex maray Labadaas ardaa oo ka soo kala Jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Habar yoonis ayaa sababay Khasaare isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac,Waxayna Garaadada Iyo Isimada Gobolada Sool iyo Buuhoodle Sheegeen inay ku sii Jeedaan Deegaanka Rabashadu ka dhacday iyagoo dhanka kalena Xusay in labadaas ardaa ay yihiin Kuwo dhiig iyo dhalashaba wadaaga.