Danjiraha Xilligiisu Sii Dhammaanayo Nicholas Kay Oo Sheegay In Soomaaliya Aanay Ahayn Waddan Guul-darraystay
Muqdisho,23Dec,2015(QJ/SDN)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Somalia aysan haatan ahayn waddan guul-darreystay, ayna soo kabanayso, kaddib sannado uu colaado kusoo jiray.
Danjire Kay oo u warramayay Wakaaladda Wararka ee AP ayaa xusay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya kusoo laabanaysay xasillooni, inkastoo ay weli jiraan buu yiri howlo badan oo u baahan in wax laga qabto.
“Soomaaliya labadii sano ama saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka socday hormarro la taaban karo. Haddana waxaa ka jira deggenaasho siyaasadeed iyo weliba horumar,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Nicholas Kay.
Kay ayaa intaas ku daray in xarakada Al-shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaeda aysan ku guuleysan inay wiiqdo hormarrada ka jira Soomaaliya, inkastoo uu haatan ka dhex-jiro kooxda muranno ku saabsan inay ISIS ku biiraan iyo in ay Al-Qaacida lasii joogaa, taasina walaac dhab ah oo jira.
Somalia ayaa burburtay sannadkii 1991-kii, markaasoo xukunka laga tuuray dowladdii uu millaterigu hoggaaminayay, iyadoo intii uu burburku jiray laga dhisayo Somalia dowlado KMG ah sannadkii 2000-kii illaa 2012-kii, markaasoo ay Somalia si dhab ah uga baxday xilliyadii dowladihii KMG ahaa.
Ergayga QM ayaa hadalkiisa raaiyay in geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya uu ku socdo horumar, hoggaamiyeyaasha Soomaaliyana ay si wanaagsan uga qayb-qaateen dib heshiisiinnadii dalka ka dhacay.
“Haatan Soomaaliya kama jiraan kooxo hubeysan oo ka amar-qaata qab-qablayaal dagaal; sidoo kalena ma jiraan dagaallo ku saleysan qabiil,” ayuu yiri danjire Kay. Isagoo intaas ku daray.”Mas’uuliyiinta maamul-goboleedyada dalka ayaa hadda Wadahadla intii ay Qoriga isticmaali lahaayeen. Waxayna qayb ka yihiin sidii dalku uu nabad ku noqon lahaa, mana jiraan gobollo kala qaybsan sidii horay u jirtay oo kale.”
Dhanka kale, danjire Kay oo ka hadlayay doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka ee sannadka soo socda 2016 ka dhici doona Somalia ayaa sheegay inuu rajeynayo in madaxda dalka ay ix-tiraami doonaan muddada xilka la haynayo ee dastuuriga ah. Waxayna ballan-qaadeen inay doorasho dhacayso 2016-ka. Waxayna hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay ka wada-hadlayaan hadda nooca doorasho ee dalka ka dhicaysa.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Juun ee sanadkan lagu jiro sheegay inaysan suuro-gal ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, sababo dhanka ammaanka ah awgood, balse wuxuu xusay inaysan jiri doonin muddo kordhin loo sameynayo dowladda jirta, doorashana ay dalka ka dhici doonto.
Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Danjire Kay ayaa kusoo beegmaya xilli uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon uu ku bedelay mas’uul cusub oo u dhashay Britain, kaasoo howsha xafiiska UNSOM ee Somalia la wareegi doona dhawaan.