|

Mustafe Maxamed Qodax Maareeye Ku Xigeenka Cusub ee SLNTV Shalay Sidan ayuu u Hadlay, Maxaa Berri laga Filan Karaa? DAAWO.

Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Magacaabiso uu Madaxweyne Siilaanyo Habeenkii Xalay soo saaray ayaa Wuxuu Xil Cusub oo ah Maareeye ku Xigeenka Telefishanka Qaranka Somaliland u Magacaabay Mustafe Maxamed Qodax oo dhawr Bilood ka hor Shaaciyey inuu iska Casiley Xoghayihii arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
mustafe qodax1
Mustafe Qodax wuxuu Mudo ku siman Afar Sannadood ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Hasa yeeshee Markii Xilkaas laga qaaday Wuxuu si toos ah ugu Biiray Xisbiga Waddani Waxaanu dhaliilo Xoogan u soo Jeedin Jiray Dawladii uu Bilo ka hor ka tirsanaa Wuxuu ka dayrin Jiray Wadci kasta oo dalku ku sugan yahay Wuxuu bar kumataal ka dhigi jiray barnaamijkii Xisbiga Kulmiye.
Dhaqanka Jirjiroolayntu Waa Mid aan ku wanaagsanayn Saaxada Siyaasadda Waxaa Siyaasi kasta u qurux badan Sumcadna ugu Jirtaa inuu lahaado Yool iyo Mab’da Sugan oo bartilmaameed u noqonaya Nooca Shakhsiyadiisa,Mustafe Qodax Maareeye Ku Xigeenka Cusub ee Telefishanka Qaranku keli kuma aha Shakhsiyaadka is bedbedelka badan ee marba qaata Shaadhka Cusub,Waxaynu beri Marag ka ahaan doonaa Isagoo Muuqbaahiyaha lagu Magacaabay isla soo taaga Amaanta Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa Taasi Waxay Minqiyaas u noqonaysaa in Ummadu il gaar ah ku eegto Siyaasiyiinta Tilmaamahaas wadaaga oo ay adkaan doonto sida loo rumaystaa.
Sidoo kale Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa loo arkaa Mid u Nugul Dhaliilaha Dawladiisa loo soo Jeediyo,Waxayna abaabul u Gashaa Sidii ay u soo Xerogelin lahayd Siyaasiyiinta Marba Jiho Cusub qaadi kara,Waana Sababta keenta in Xilal Cusub lagu taxo Siyaasiyiin Luuqad adag Shalay kula hadli jiray Xukuumadda oo Maantana ka mid ah kuwa qaybta ka ah Talada dalka.
Xilku Waa Meerto Beri Marka laga qaado Waxay Su’aali dul taalaa Waxa uu ku hadli doono, Bal ila Dhugo Muuqaalkan oo Mulaaxa Hadalka Kaydiyaa uu sii dhigtay Weedho Naqdi Siyaasadeed ah Waa Mustafihii Shalay Ka Berina Waynu u wada Joognaa.

Comments are closed