|

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Sheegtay In Aanay Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Ka Aamusnaan Karin Oo Ay Qaybtooda Ka Qaadan Doonnaan DAAWO

Muqdisho,23Dec,2015(QJ/SDN)-Xildhibaanad Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoona sheegtay in xidlhibaanada kasoo jeeda deegaanada Somaliland kuwaas oo ku jira baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aanay ka maqnaan Karin wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

‘’Aan wada haddalno waa aan heshiinno, wadahadal baana socday muddo dheer laakiin wax serious ahna may dhicin, hadda ka hor anakuna marna kamaanan qayb-qaadan kamanaanan hadlin intayadii xildhibaanada ahaa dowladda uun baana wada hadalka wadday, laakiin hadda anaka waxay nala tahay inaanan intaas in ka badan aamusnaan Karin, meesha illeen waanu joognaaye,..’’ ayay tidhi Xildhibaanad Foosiya.

Dhanka kale, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo u warramaysay Tv-ga Horn Cable ayaa waxa la weydiiyay sababata safaarado badan oo Soomaaliya ku lahayd caalamka ay u xidhmeen, waxaana ay ku jawaabtay maro Foosiya; ‘’dhaqaalo kumo ayaa jirta, waayo?, mar haddanad cashuur bixinayn, mar haddii caalamkii waxba ku siinayn. Xaggeed ka keenaysaa?, dhaqaalahaagiina aanad soo saari karayn, nabad-galyo xumo awgeed aan investment sameyn karayn oo cidi maal-galin samayn karayn, halkee laga keenayaa lacagta weeyaan?, ‘’ ayay tidhi xidhibaanad Foosiya oo su’aashaas kaga jawaabaysay in dhaqaalo la’aan ay safaaraduhu u xidhmeen.

Ugu danbeyntii, Foosiya waxa kale oo ay sheegtay in aanay hadda diyaar u hayn inay isku soo sharraxdo xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ‘’Ma sharraxni, mana u socdo inaan madaxweyne noqdo, xaqiiqatan, laakiin xisbiga waxaan u sameeyay inuu wax saxo,.’’ Ayay tidhi Marwo Foosiya.

Comments are closed