Dagaal Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya Ku Dhex Maray Degmada Diinsoor iyo Ururka Al-shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Deegaanka Ceel-Xaaji
Diinsoor,23Dec,2015(QJ/SDN)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay waxa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan kaas oo dhaliyay khasaaro kala duwan.
Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xooggaga Al-shabaab.
Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buulodeey oo aan sidaa uga sii fogeyn degmada Diinsoor.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowlada ay ka warheleen in dagaalyahaano ka tirsan Alshabaab ay weerar la damacsan yihiin Xarumaha Ciidamada Dowlada ee ku yaalla deegaanka Buulodeey sidaana ay ciidamadu ku qaadeen dagaalka.
Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen ciidamada Dowlada lagu dilay dagaalyahano Alshabaab ah oo xiligaasi ku howlanaa is urursi.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in inta uu dagaalka socday ay ciidamadu dileen Shan dagaalyahanno Alshabaab taabacsanaa, halka kuwo kalane ay dagaalka ku dhaawaceen, sida uu Shig-shigow hadalka u dhigay.
Dagaalyahaannada la dilay ayuu Gudoomiyuhu sheegay inay ka furteen Hubkii ay wateen, waxa uuna dhanka kale sheegay in ciidamada Dowlada aanu khasaare kasoo gaadhin dagaalka.
Dagaalka ayaa daba socday dagaalo maalmihii lasoo dhaafay ay Alshabaab ku qaadeen goobo ay ciidamada dowladu kaga sugnaayeen Diinsoor.
Dhinaca kale, Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaan kaabiga ku haya magaalada Marka.
Deegaankan ay Al-shabaab la wareegtay oo ay horay gacanta ugu hayeen Ciidamada AMISOM, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada AMISOM ay iskaga baxeen deegaanka Ceel-Xaaji oo dhanka xeebta ka xiga magaalada Istiraatijiga ah ee Marka.
Si kastaba ha ahaatee, deegaanada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa si wayn ugu gor-gortamaya ciidamda Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM iyo Ciidamda Ururka Al-shabaab