‘’Waxaanu Aaminsannahay In Reer Somaliland 75% in ka Badan Ay Taageersanyihiin Xisbiga WADDAN,’’Ibraahim Mahdi Buube
Hargeysa,22Dec,2015(QJ/SDN)-Afyaheen xisbiga waddani Ibraahim Mahdi Buube ayaa mar uu maanta ka jawaabayay warar ay warbaahinta maxalliga ahi qortay ayaa waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland 75% ay xisbiga waddani taageersanyihiin, isagoona xukuumadda iyo xisbiga kulmiye ugu baaqay inay isa soo dhiibto.
Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa waxa kale oo uu sheegay wararka ay ka qorayaan warbaahinta xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye taageeraa in aanay ahayn kuwo sal iyo raad toona lahayn, isagoona sheegay in aanau wakhti iskaga luminayn beeninta wararkaas.