Xalkii Khilaafka Xisbiga UCID Oo La Beeleeyey Iyo Madax dhaqameed Ku Dhawaaqay inuu soo Idlaaday Khilaafkii Xisbigaas ka Dhex Oognaa + Gudoomiye Faysal Iyo Murashax Jamaal Oo Goobta Ka Maqnaa DAAWO
Hargeysa, 20 December, 2015-(SDN/QJ):-Kulan ay maanta isku yimaadeen Guddidii Dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiga Ucid ayaa ka qabsoomay Hotel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, shirkan oo ahaa mid lagu soo afjarayay khilaafkan soo kala dhex galay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal cali waraabe iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Jamaal Cali Xuseen.
Xubnahan Madax dhaqameedka oo ka soo kala Jeeda Beesha Gudoomiyaha Iyo Beesha Murashax Jamaal may sheegin Qodobada lagu heshiiyey aan ka ahayn Xisbiga Ucid Khilaafkiisii Wuu soo dhamaaday oo waa laga Heshiiyey ,Sidoo kale May Sheegin in labada dhinac ee Khilaafku soo kala dhex galay ay ka haystaan Ogolaanshiiyo ku saabsan Wixii ay Soo saaraan amase Go’aamiyaan,Dhanka kale Goobta Heshiisku ka dhacayay kumay Sugnayn Dhinacyada Khilaafku u Dhexeeyay.