|

Ruushka Oo Miinooyin Loo Eekaysiiyay Balanbaalis Ku Daadiyay Magaalooyin Ka Tirsan Dalka Suuriya

Albaab,20Dec,2015(QJ/SDN)-Dowladda Ruushka ayaa sare u qaadday weerarada ay ka gaysanayso dhulka Shaam, gaar ahaan Suuriya.

Duqeymo 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ka dhacay Suuriya ayaa lagu dilay ku dhawaad 70 qof oo shacab ah, dhimashada ugu daran waxay ka dhacday magaalada Albaab iyo Tal-rafcad oo dhammaatood ka wada tirsan gobolka Xalab.

Warar la baahiyey ayaa sheegay in dowladda Ruushku ay geysanayso gummaad aan kala sooc lahayn, duqeymaha ayaa si hal haleel ah ugu dhacaya dhammaan magaalooyinka ka maqan gacanta nidaamka Suuriya.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa qaab cusub u adeegsanaya duqaymaaha dalka  suuriya, Bambaanooyin aan firirin oo u eeg xasharaadka Balanbaalista ayay diyaaradaha Ruushku ku daadiyeen qeybo badan oo Suuriya ka tirsan.

miino
 Bambaanooyinka oo ay adagtahay sida laysaga ilaaliyo waxay halista uga daran kasoo gaadhaysaa carruurta aan qaan-gaadhka aheyn kuwaasi oo la moodo Balambaalis ay ku ciyaaraan.
Waxaa Baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho lagu baahiyey Sawirrada Bambaanooyinka casriyaysan ee ruushka. Hey’adaha xaquuqul insaanka ayaa dowladda Ruushka ku eedeeyay in ay adeegsanayso Bambaanooyinka fiririro oo mamnuuc ka ah in loo adeegsado dagaallada. Balse ma jirto cid dhag jalaq u siisay warka kasoo yeedhay xay’adaha xuquuqul insaanka

Share: Facebook

Comments are closed