|

Ruun Daahir oo caan ku ahayd Jilidda Riwaayadaha Soomaalida oo Jabuuti ku geeriyootay DAAWO

Jabuuti, 20 December, 2015-(SDN/QJ): – Allaah ha u Naxariisto’e waxa Magaalada Jabuuti ku geeriyootay Marxuumad Ruun Daahir oo muddo dheer ka mid ahayd bahda Fannaaniinta Soomaaliyeed, isla-markaana aad caan uga ahayd Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ruun Daahir oo maalmihii u dambeeyay ku Xanuunsanaysay Magaalada Jabuuti, ayaa la xaqiijiyey inay Jimcihii Doraad ku geeriyootay halkaasi.

Allaah ha u Naxariistee Marxuumad Ruun Daahir oo door laxaad leh ka soo qaadatay Horumarka Fanka iyo Suugaanka Soomaalida, gaar ahaan ka Jabuuti waxay aad caan ugu ahayd Majaajilooyinka qosolka ah ee Dadku aadka u jecel yihiin.

Ruun, Ruwaayadda ugu caansan ee ay ka qayb-qaadatay ayaa waxa mid ah IF iyo AAKHIRO, waxaana Ruwaayaddaa oo ay ku jileyso Magaca HUFAN ay hooyo u tahay Fannnaannada Caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac, halka Saygeeda Riwaayadduna yahay Fahmi Giire oo ku matalaya Magaca IIMAAN HOROR.

Comments are closed