Cudur-dhaliyaha HIV oo Fara-baas ku haya Kenya iyo Mambasa oo Maalin kasta 3 Qof qaadaan
Mombasa, 20 December, 2015-(SDN/QJ):- Guddiga ka Hor-tagga Cudurka Dilgaaga ah AIDS-ka magaalada Mombasa ee waddanka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday inay maalin kasta Cudurkaas ugu dhintaan magaaladaas gobolka Xeebta dalka Kenya.
Xidhiidhiyaha Guddiga NACC (The National Aids Control Council Mombasa), ayaa sidoo kale sheegay in maalin walba ay saddex ruux qaadaan Cudur-dhaliyaha HIV oo ah Fayruska dhaliya Cuduruka halista ah ee AIDS-ka. Sidoo kalena Julius Koome, ayaa Khamiistii sheegay in 65% dadka cusub ee uu ku dhacay Virus-ka HIV-ga ay ku nool yihiin Sagaalka deegaan ee ay ka kooban tahay magaalada Mombasa.
Warbixin uu soo saaray Golaha NACC (The National Aids Control Council Mombasa) sannadkan 2015-ka, ayuu ku sheegay inay 21% dadka qaba Cudurka ay yihiin Gabdho dhallinyaro ah oo da’doodu u dhexeyso 15 sano illaa 25 sano, marka loo eego 100,000 (Boqol kun) oo qof oo Cudurka dhawaan qaaday.
“Qiyaastii 44%-kiiba Dadka cusub ee qaaday Cudurka HIV/ADIS, ayaa waxay ku qaadeen galmo ay sameeyeen.” Sidaa ayuu yidhi Julius Koome oo Hoteelka Lotus oo ka mid ah Huteellada ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ku qatay Shir Jaraa’id.
Xildhibaan Cabdi-Samawat Naasir oo laga soo doorto deegaanka Mvtia oo ka tirsan Mombasa, ayaa sheegay in tira-koobka lasoo saaray ee dadka cusub ee uu ku dhacay Cudur-dhaliyaha HIV uu yahay mid naxdin leh.
“Tirada la sheegay inay cudurka HIV/AIDS qaadeen ma aha mid la beenin karo. Runtiina xaaladdu waa mid khatar ah oo naxdin badan.” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdisamad Naasir oo intaa ku daray, in 15.2% Maxaabiista ku jira Xabsiyada oo Rag ah ay Cudurkaas qabaan.
Xidhiidhiye Koome, ayaa xusay in 6%-kiiba dadka isticmaala Maan-dooriyeyaasha kala duwan ee Mombasa ku nool ay cudurka ku qaadaan qalab hore loo isticmaalay sida; Sakiinta ama Makiinadda iyo Irbadaha ay daroogada u isticmaalaan marka ay isku mudayaan sida Xashiishadda iyo waxyaabaha la midka ah.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Haki Africa Xuseen Khaalid, ayaa sheegay in ay sameynayaan ololayaal ay Shacabka ku boorrinayaan si aanay u adeegsan Irbadaha iyo waxyaabaha kale ee hore loo isticmaalay si fiditaanka cudurka loo yareeyo. Waxaanu soo jeediyey in dadka la baro oo lagu wacyigeliyo sida ay uga fogaan karaan xanuunkaas.